Dib U Milicso Sooyaalka Dihin Ee Somaliland Iyo Darajada Aduunyada Inteeda Kale Dheer Tahay:-Qalinkii: Cabdiraxmaan Jeesto. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dib U Milicso Sooyaalka Dihin Ee Somaliland Iyo Darajada Aduunyada Inteeda Kale Dheer Tahay:-Qalinkii: Cabdiraxmaan Jeesto.
November 15, 2019 - Written by Editor:

Somaliland dawlad curdin ah oo ka unkantey Jabhadii dhaq-dhaqaaqa xornimo doonka aheyd eey ku hawl-galeen halgamayaashii iyo naftooda hurayaashii (SNM), 1991Kii 18ka May waa maalintaan dunida dheer nahay waa maalintey maan-deeq dhashey, Dharaartan dunida waxaa ka dhacey dhacdo ugub ah oo dunida ku cusub, abidkeed lama arag jabhad wadan xoreysa oo isu tashata, Dawladnimo hindista, Darmo qaran gogsha, Guurtiyo duqay ku maamuusta maareynta marxalada taagan amintan haatan ah, Lama maqal jabhad aloosta mustaqbal ama dib-u-heshiisiin xaqiiqdii waa dhacdo ku cusub dunida oon wali taariikh iyo taba lagu dhigin.

Inkastoon qoraal lagu koobi kareyn mucjisooyinka Qarankan Somaliland yadna waxa bun-dhig u aheyd hanaan samida dawladeena damalka ah, Waxan la yidhaa Dib-u-heshiisiinta ama afka qalaadka lagu magacaabo (Reconseliation) waliba ku darsoo aaney soo fara-galinayn cid shisheeye ama dibbada ah, Waayo jabhada soo dagaalama ee guulaysta caalamka waa laysu keena qoladan (International Communityga) ayaa gasha hawsha dabadeed bur-burka ka talisa , Umadahana Dib-u-dajin iyo dawladnimaba u aas-aasta, Balse milgaha dalkan Somaliland leeyahay waa yadoon cidi soo fara-galin, xataa waxba loo sheegin ayey yagu iskood u garteen dib-u-heshiisiini iney dhacdo , Bilaa beesha caalamka iyo umado shisheeye (With out exernal powers) ama quwado shisheeye oo dunida danaheeda ku adeegta.

Buun-buunin iyo bararafleyn ayaa laysu dhaafee horta miyaan ka boganey taariikhda hodanka ah ama haybadu ku dheehan tahay ee degalkeenu leeyahay, Dunidu umey baahateen cadeyn ama faaqidaad xaga qadiyada ah waayo sooyaalkeena ayaa ku filan, Intaa hadaan ku dhaafo hogo-tus oon boy,ga ka yara baxey aan ku noqono milicsiga taariikhdeenii hir-gashey taasoo aan maanta ku naaloonayno waxaan qabsaney, waxaan dhisaney, waxaan abaabulaney yadoo aan qarka u saaran nahay inaan wadamada qeyrkeen ee inaga horeeyey isla markaana caalamku aqoon-san-yahay aan khadka ka soorno, Sababtuna ay tahay waafajinta Raxmaanku ina Waafajiyey maalintan towbada, Ama koboco iyo xad-dhaafka calankeenu babanayo.

Suurta-galinimada maandeeq wataa inoo sal-dhigtey dawladnimo dhameystiran , dastuur Qaran oo culimo, Cuqaal, Aqoon-yahan, Siyaasi iyo dhamaan bulshadu qaybaheeda cisiga lihi kaga ciil-baxeen cod iyo gacan-taag dimuqraadiyadeed, Sunne ama nidaam dawliya oo leh tar-tiib iyo wadiiqooyin loo maro, axsaab qaran, Astaan iyo sumad ka turjumeysa qaranimadeena, Sidoo kale waxaa bar-bilaw ahaa maalintan heerka aynu ka gaadhney wakhti-xaadirkan dhinacyada muhiimka u ah dhismaha bulshada sida Ganacsiga, Aqoonta, DHismaha muuqaalka duleed, Baaxada maal-gashi, Soo kordhin sharaa,ig yar-yar oo umada u adeega, Caafimaadka, Wadooyinka, iyo guud ahaan waxyaabaha lagu qiimeeyo bilicda dalnimada.

Maan-soorada umada reer Somaliland 18ka may waa maalintaan gunaanadney tabasho, cabasho, waxbaa dhiman, umada lama sinin, utun iyo tawaawac, caku iyo ciil-kaanbi naftu ku qabato, Waa amintaan helnay udgoonka xoriyada iyo neecawda ay leedahay nabadu.

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)

Diplomatic Annalysts

Gabiley /Somaliland.

Good Citizen

COMMENTS
LINKS