Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Iyo Waftigii La Socday Oo Kulan La Yeeshay Haweenka Magaalada Boorama. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Iyo Waftigii La Socday Oo Kulan La Yeeshay Haweenka Magaalada Boorama.
November 19, 2019 - Written by Editor:

BORAMA(W,N)- Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefdigii uu hoggaaminayey ee maalmahan ku sugnaa Gobolka Awdal magaalo madaxdiisa Boorama oo kulamo kala duwan la qaadanayey qaybaha Bulshada intii uu ku sugnaa gobolka ayaa xalay kulan muhiima la yeeshay haween weynaha gobolka.

Kulankaas oo ka qabsoomay Hotel Saw ayey ujeedkiisu ahayd sidii laysaga kaashan lahaa horumarka gobolka iyo arrimaha bulshada ee ay ugu horayso nabadgelyadu ayaa ku Soo dhamaaday Isfahan iyo wada shaqayn buuxda.

Kulanka ayaa gaar u ahaa haweenka magaalada boorama kaasi oo mdaxwayne kuxigeenka iyo wasiiradii la socday kala hadleen arimo khuseeya wada ilaalinta abniga

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS