Somali Waynta Edebta Leh Iyo Midda Edebta Daran!W/Q; Prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somali Waynta Edebta Leh Iyo Midda Edebta Daran!W/Q; Prof Cabdi Cali.
November 21, 2019 - Written by Editor:

Muwaadiniinta Somaliland Ee Qaatay mabda’a Somali wayn, waxa xaqiiq ah in ay degaan kasta kasoo jeedaan; waa bilaash in farta lagu fiiqo degaan ama hayb gaar ah!!!

Haddaba, waa laba kooxood:

Koox edeb leh; ha ka baxaan Somaliland, laakiin kooxdani kamay bixin dadnimadii iyo bani’aadanimidii iyo qiyamka wanaagsan ee diintu ina fartay; kuwan qiil waa loo heli karaa; runtiina arrinkooda anigu ma ihi nin ku hafanaya, ee waliba waxan u hayaa jidkii ay mari lahaayeen ee sharciga ahaa, haddii ay mabda’ uu ka tahay, oo aanay xerada ka dhicin!!!

Kooxda kale ee aan is hayno waa koox ka baxday qiyamkii diinta suuban iyo Bani’aadanimadii; matalan qofku hadduu jeclaysto , dhiirigaliyona fitno dhiig ku daadato, iyadoo dadkuba yihiin dad isku mid ah oo walaalo ah, ajanabi ku soo duulay oo qabsaday na aanu jirin; oo waliba wax doorasho la yidhaadaana jiraan, god daloolo kasta ha iska yeelatee; oo aynu aragnay in isbeddel iman karo, oo aanay suuragal ahayn in nin uu samaysto boqortooyo ama kalitalisnimo uu dalka ku haysto waligii; qofka caynkaas ah ee dalka caynkaas ah fitno la jecel ma aha qof ka baxay Somaliland oo kaliya; taa qiil baaba loo heli karaa; runtii waa qof ka arraday dadnimada iyo qiyamka suuban!!

Ku darsoo, ninkani wuxu fitnada ka dhex wadaa dad masaakiin ah oo jahli iyo faqri la daaladhacaya, dunidiina ka hadhay, oo weli aan ka soo doogin dagaaladii sokeeye ee soo maray; waliba ruuxani ma hubo, oo ma ballan qaadi karo, haddii dhiigaa uu sheegayo la daadiyo, oo ftinadaasi dhacdo in ninka danbe ama kooxda danbe ee meesha qabsataa ka roonanayso kuwii hore; waa la soo arkay arrinkaas, waayo aragnimadiisiina maanta korkeena ayay ka muuqataa; ninna korkiisa biyo kama hagrado!!!; qof ka caynkaas ahi ma aha danbigiisu qaran dumis iyo waxaas; runtii wuxu ku jiraa danbi Bani’aadanimada ka dhan ah, oo Islaamnida ku lid ah.

Adiga ma kaa suuragashaa iska daa dad Islaam ah oo Somali ah ‘e in aad jeclaysato in dhiig ku daato waddan ka mid ah waddamada adduunka oo bani’aadam ku noolyahay; haddii aad saamayn ku leedahay dalkaas, miyaad qaboojin lahayd fitnada mise waad afuufi lahayd naaraha dagaalka sokeeye ee ka dhex socda dadkaas. Immika, tusaale ahaan, Xamar kama jirto Dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland ka jiraa, haddana waligay ma dhiirigaliyeen in Farmaajo lagu rido dariiq dhiig ku daadanayo; haddii ay dhacdo, oo aan saamayn ku leeyhayna waan damin lahaa fitanda, inta itaalkayga ah!!!

QALINKII; Prof cabdi Cali Jaamac; ku dhaqanka sharciga iyo maamul wanaagga

COMMENTS
LINKS