Xukuumada Oo Bilowday U Gacan Haadinta Faysal Cali Waraabe Iyo Gudoomiye kuxigeenka kulmiye Oo Ka Hadlay Ujeedada Kulan Ay Wada Yeesheen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Oo Bilowday U Gacan Haadinta Faysal Cali Waraabe Iyo Gudoomiye kuxigeenka kulmiye Oo Ka Hadlay Ujeedada Kulan Ay Wada Yeesheen!
November 21, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Xukuumada Madaxwayne Biixi ayaa Maalmihii udanbeeyay ku hawlanayd sidii ay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ugu gacan haadin lahayd iyagoo ku mashquul sanaa sidii ay wada hadal ula yeelan lahaayeen si ay xal ugu helaan khilaafka ka taagan xubnaha komishanka cusub ee madaxwayne soo xulay islamarkaana ay ansixiyeen golaha wakiilada kaasi oo ay ku gacan saydheen labada xisbi mucaarid ee Wadani Iyo Ucid.

Gudoomiye faysal ayaa hore gacan saar dhow ula lahaa xisbi xaakimka kulmiye kaasi oo tiraba dhowr jeer xukuumada usuurto galiyay in ay awood ku muquuniyaan xisbiga wadani kadib taageero ay ka helayaan gudoomiyaha xisbiga ucid.

Kulamada ay xukuumada iyo madaxda xisbiga kulmiye la yeelanayaan gudoomiye faysal cali waraabe ayaa markii labaad ka qabsoomay xarunta xisbiga Ucid.

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee xisbi xaakimka kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa si kooban uga hadlay ujeedada kulan ay wada qaateen Gudoomiye Faysal cali waraabe oo uu sheegay in ay wada hadleen arimaha doorashada wallow aanu xusin wax isgarad ah oo ay ka gaadheen muranka komishanka

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

 

COMMENTS
LINKS