Saamayn Intee Leeg Ayay Ku Leedahay Xaalada Ka Taagan Gobolka Awdal, Loolanka Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Ee Xisbiga Kulmiye? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saamayn Intee Leeg Ayay Ku Leedahay Xaalada Ka Taagan Gobolka Awdal, Loolanka Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Ee Xisbiga Kulmiye?
November 22, 2019 - Written by Editor:

BOORAMA(W,N)-Xaalada Siyaasadeed Ee Gobolka Awdal Ayaa Maalmihii Ugu Dambeeyay Ahayd Mid Meel Xasaasiya Maraysa Ka Dib Markii Ay Dib U Soo Rogaal Celisay Jabhadii Uu Hogaaminayay Suldaan Wabar iyo kuwo kale oo isla gobolka uun lagaga dhawaaqay, wallow xaliyay balse ay jiraan dareenada tabashada la xidhiidha oo saamayn ku leh,

Dhinaca Kale Waxaa Gobolka Awdal  Dhawaan Soo Gaadhay Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Axmed Yasiin Sheekh Cali Ayaanle,wasiirada Beeraha,caafimaadka iyo Ganacsigu.

Ujeedada Imaanshiyaha Waftigaasi Ayaa Lagu Sheegay In Ay Ahayd Adkaynta Amniga Gobolka Awdal Balse Waxaa Soo Baxaya Waxyaabo Ka Duwan Ujeedadaasi Taasi Oo Ah Loolan Xoogan Oo Ay Muuse Biixi Iyo Saylici Ugu Jiraan Cida Noqon Doonta Murashaxa Madaxwayne Ku Xigeen Ee Doorashada Dambe Kaasi Oo Ay Dadaal Xoogan Ugaleen Siyaasiyiinta Beelaha Suldaan Wabar Kuwaasi Oo Lagu Shaambadaynayo In Ay Carqaladaynayaan Amaanka Gobolka Awdal.

Madaxwayne kuxigenka wakhtigan cabdiraxmaan saylici ayaa isagu dhamaystay labadii Teeram ee uu sharciga u lahaa in uu noqdo murashaxa madaxwayne kuxigeenk taasi wakhtigan keentay in xukuumada kulmiye isha ku hayso cidii ay uqaadan lahayd murashaxa xisbiga kulmiye ee awdal kasoo jeedana noqonaya kuxigeenka mustaqbal dhow.

Siyaasiyiinta Gobolka Awdal Ee Mucaarid Iyo Muxaafidba Ah Ayaa Waxa Ay Si Wayn Uga Muquurteen Sicadna Uga Soo Horjeesteen Shaxda Ay Wataan Saylici Iyo Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle Taasi Oo u Eg   Qaybi Oo Xukun Ka Dib Markii Ay Kulamo Kala Duwan La Kala Qaateen Odayaasha Dhaqanka Ee Gobolka, Sidoo Kalana Odayaasha Iyo Cuqaasha Beelaha Maxamed Case Iyo Habar Cafaan Lagu Qasbay In Ay Warbaahinta Ka Hadlaan Oo Ay Ka Soo Horjeestaan jabhada Suldaan Wabar,

Halka cuqaasha iyo salaadiinta intoodaba badan beelaha makaahiil iyo gaar ahaan jibriil yoonis ay gabi ahaanba diideen iney hor fadhiistaan madaxweyne ku xigeenka mudadada uu joogay magaalada borama marka laga reebo salaadiin faro ku tiris ah.

Shaqada Madaxweyne Ku Xigeenka Cabdiraxmaan Saylici ka hayay Borama todobaadkan ayay dadka intooda badan u arkaan mid kala qeybineysa beelaha reer awdal kuwaasi oo ka mideysnaa iney helaan Saami gooda Somaliland ,taasoo aanu marnaba garabsiin dadaaaladoodii loo galay mudada sagaalka sano ah ee saylici jooga madaxtooyada Somaliland

Dhanka kale Madaxtooyada somaliland ayaan ka madhnayn mustaqbalka loolanka qarsoon ee loog jiro Musharaxa xilka madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga KULMIYE ee doorashada xigta kasoo la sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Wato siyaasi Kasoo Jeeda Beelaha Jibriil Yoonis kaasi oo uu wakhtigan isku dhigayo wasiirka wasaarada ganacsiga oo isagu ah wasiirka suldaankiisu hogaaminayo jabhada oo ah suldaan Wabar.

Joogitaanka gobolka awdal ee masuuliyiinta xilalka ka haya xukuumada ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne kuxigeenka jsl cabdiraxmaan saylici aya umuuqata mid aan xal rasmiya u noqonayn tabashada ay reer awdal ka qabaan xukuumada iyo saamiga kuraasta baarlamaanka wallow ay warbaahinta ka muujiyeen in ay xal nabadgalyo kusoo dabaaleen gobolka awdal, balse faalooyinka ay kabixinayaandadka siyaasada falanqayeen ku tilmaamaan mid milil korkii uun ay dhayayaan, arintuna tahay mid huursan oo aan la saadaalin Karin wakhtiga ay qarxayso

Sikastbaha ha ahaatee gobolka awdal ayaa wakhtigan u muuqda mid tubta saaray jihada mucaaridada xukuumada madaxwayne biixi oo laga cabsi qabo in ay kasoo baxaan waxyaabo jiritaanka Somaliland lid ku ah hadii aan si kale loo waajihan xalna loo helin tabashada ay ka qabaan kuraasta baarlamaanka.

Wajaalenews Desk

Boorama Office

 

COMMENTS
LINKS