Komishanka Hada La Isku Hayaa Ma Komishan Qaranbaa Mise Waa Komishan Muuse? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Komishanka Hada La Isku Hayaa Ma Komishan Qaranbaa Mise Waa Komishan Muuse?
November 23, 2019 - Written by Editor:

In Badan Oo Kamid ah Shacabka Somaliland ayaa isweydiinaya, Waa Maxey Sirta Ka Dambeysa Komishanka Lagu Muransanaa Laba Sanadood iyo Muranka Dib Loo Galiyay Wakhti Xaadirkan?

Qoddobada Ugu Muhiimsan in La Is Dultaago, Waxa kamid ah Riyo-raac iyo Waliba Inanta (Kaltuun Sheekh Xasan), oo laga soo Reebay Xubnaha Komishankii hore oo Run ahaantii iyadda sigaar ah la isku Weydiiyay Sababta iyo Waxa kalifey in Lixdii Kale la Ambabixiyo Kalideedna laga Soo Reebo.

Horta Xaqiiqdii Inantu Waa inan aad iyo aad u Wanaagsan Sharaf leh Aqoon leh, Marwo ah Muwaadinad ah Xaq u leh in.ay Xukuumadiisa Shaqo ka Qabato oo haduu Daacad ka yahey (Muuse), uu Xataa xil u magacaabo cid diidaysaa majirto haseyeeshee, Waxa Sheekh iyo Shariifba la qaadan Laayahay oo la Diidan Yahey, in uu Inantaa Karaamadeeda, Sharafta ay umada ku leedahay Marwanimadeeda, Muslunimadeeda,iyo Aakhiradeedaba Is Hambaraacsho oo Dantiisa ugu Guuro, oo Kaligeed kasoo reebo Xubnahaa hore ee labada Sanadood lagu Muransanaa Aniga oo Najiib Ismaaciil Maxamed ah(Madaxweyne), ayaa Sida aan Wadkeyga u hubo u garanaya in aanu Ninkaa Madaxweynaha Sheeganayaa inantaa Dan u haynin laakiin Dhibaato iyo Wax aakhiradeeda iyo aduunkeeda ku Xunniyo Sharaf dhac ayuu u hayaa.

Usoo dhaadhac Nuxurka, Guntii iyo Gabagabadii Marwo Kaltuun Waatii Afduub lagu Sameeyay Doorashadii hore ee la dajiyay Huteelka Palaza Gurigii ka Dambeeyay, Waxaana loo laqimay in ay Tahey Gabadh Habarxabuusho u Dhaxdey islamarkaana, ay Riyo-raac iyo Wasiirka hada Daakhiliga Maxamed Kaahin Waxa la isdhaafiyay oo lagu Dedaalay markaa in Codkii Ceeryaanta iyo Codkii kale ee Bariga Burco iyo Galbeedka la isa soo gaadhsiiyo Kaliya Sirta.ka dambeysaa Waa intaa.

Geesta kale Gobolka Gabiley Raga kasoo jeeda oo Boqolaal ka badan Aqoonyahan.ah ayaa Doonayay in ay Xubnaha Komishanka Kamid Noqdaan oo ay booskaa inanta galaan laakiin Waxaa aamini Waayay ninkaa ay Taageersanaayeen ee Qabyaalada dib ugu celiyay Shacabka Reer Somalilandna kala dilay.

Shacabkii Somaliland Waxey Leeyihiin.  “Afka Calancastu Taqaan Waan ka oodnahaye  Anigoo Arkaayyaa Gacmaha La igu iibsadaye”

QALINKII; Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:0634466339

COMMENTS
LINKS