Sagaal Sano Oo Uu Daahir Riyaale Joogay Waxa Uu Qabtay Afar Doorasho,Halka kulmiye Oo Sagaal Joogayna Laba Doorasho Qabtay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sagaal Sano Oo Uu Daahir Riyaale Joogay Waxa Uu Qabtay Afar Doorasho,Halka kulmiye Oo Sagaal Joogayna Laba Doorasho Qabtay!
November 24, 2019 - Written by Editor:

Bal Aduunyadan Eegga, Madaxwaynihii Hore Ee jsl Daahir Riyaale waxa laga baryey doorasho wakhtigan lama qaban karo Waliba mid casri ah oo waliba dadku uma bislaan ee adna korodhso, gole deegaan iyo mid baarlamaanka ha qaban, cid walba wuu ka diiday waxaanu yidhi Somaliland waxay ku iibsamaysaa in loo gudbi in qofku doorto xildhibaankiisa iyo madaxweynihiisa, waxaanu maxkamada sare geeyey in la baabi;iyo xeerkii golaha Wakiiladda ee ahaa in aan doorasho la qaban Karin wakhtigan.

Wuu kaga dhabeeyey, waxaanay taasi keentay in caalamka u yimaadaan daraasado siday bay u dhacdan dalkan yar ee doorashooyinka dimuqradiyada ah qabanaya ee aan la aqoonsanayn, waxa talaabadasi gaysay meel fog, waana ta keentay inuu dalal badan oo Afrika ku yaala safar ku maro iyo in xidhiidho badan loo sameeyo.

Imika raadkii baa dib loo qaaday oo Rayaale oo sagaal sanno joogay wuxuu qabtay Afar doorasho, Kulmiye oo sagal sanno joogay wuxuu qabtay laba doorasho oo ay qabteen kulmiyihii hore.

QALINKII; BARKHAD-LADIIF MAXAMED CUMAR.

 

COMMENTS
LINKS