Rayaale Markii Madaha Beertii Soddogii Iyo Xeyndaabkii Jaamacadu Isgaadheen Wuxuu Ka Xukumay Soddogii, Muusena Isagaa Bara Bixiyay Intaas Oo Qoys! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Rayaale Markii Madaha Beertii Soddogii Iyo Xeyndaabkii Jaamacadu Isgaadheen Wuxuu Ka Xukumay Soddogii, Muusena Isagaa Bara Bixiyay Intaas Oo Qoys!
November 29, 2019 - Written by Editor:

Daahir Rayaale Kaahin Markii uu Madaxweynaha ahaa Waxaa lasoo Kulantey Xaalad Aan laga Garnaqi Karin oo aad u yara Adag kadib Markii ay Madaxa isla galeen Madihii Beertii Soddogii Iyo Soonihii Jaamacada Camuud, Waxa uu Go,aan ku Gaadhey Isagoo Madaxweynihii Talada hayay ah in uu Ku Ciiro Beerta Soddogii oo Jaamacadu Noqoto Tan La hormarinayo ee danta Guud ah Xataa, hadii ay iyadu Xadgudubka Leedahay.

Halka Madaxweynaha hada Talada haya ee Tuhunka badan laga Qabey Muuse Biixi Cabdi uu Maanta markii uu Madaxweynaha Noqdey ka Badheedhay in uu Dad Masaakiin ah oo Danyar u badan oo Qoysas Fara badan ah iyo Nin uu Labaatan Sanadood Dacwadii Dhulkiisa Daaha Dambe u taagnaa uu Dhulkii ka Qaato oo ugu Awood Sheegto Xilka uu Gacanta ku hayo Maanta, isagoo Awooda uga Faa,ideysanaya.

Waxaan iyaduna Aan la dhaafi kareyn In isla Rayaale uu iyadoo Somaliland kujirto Marxalad Adag iyo Xaalad.kala guur oo Madaxweynihii Uu Kuxigeenka u ahaa Geeriyooday Taladii Dalkuna isku koobtey Waxa uu ku Calool Adeygay oo Go,aan ku Qaatey kalsoonina ka muujiyay in uu Halkii kasii Waddo Geedi-socodkii Nidaamka Xisbiyadda,Dimuqraadiyada, iyo doorashooyinka, oo iyaguna Ku Cusbaa Dalka oo Marxaladaa Waayo adag kasoo gudbey,.Halka Madaxweyne Biixi uu ilaa iyo hadda Markii uu Kursiga ki Fadhiistey Xadhigba Xadhig kusii Murginayo, Badheedhihiisuna u muuqdo in uu Gunta kasoo.jarayo Xididkii Lagu soo tabcey ee Somaliland kaga Duwaneyd Dalalka Ictiraafka haysta ee La Dariska ah iyo Afrika inteeda badan.

Waxa Isla Daahir Rayaale isagoo Madaxweyne ah oo Doorashooyinkii qabtey, Somaliland iyo Jiritaankeeda, iyo Masiitkeedana ka iibiyay Beesha Caalamka Markii Murankii adkaa ee Xisbiyada Mucaaridka ah oo Kulmiye ugu hal adkaa ay Duruufihii Doorashada lasoo darsey ku adkeeyeen, uu Aqbaley Go,aan ka koobnaa Lix Qodob oo Beesha Caalamku usoo dhigtey, Halka Madaxweyne Biixi oo Leh Codkii Shacabka ayaan ku imid lagana Filayay in uu.Maanta Ictiraafkii oo kaliya ka sugo Beesha Caalamka uu Marxalad Wakhti adag laga Soo gudbay Dib ugu Celiyay Dalkii iyo Dadkii Hore usocdey Taas oo Wax u Dhimaysa Sumcad ahaan halkii Somaliland iyo Qadiyadeedu taagneyd soona afjareysa guud ahaanba Siyaasadii Arimaha Dibadda ee Somaliland hore ugu Socotey.

Isku soo Wada Duub oo Talaabo kasta iyo Go,aan kasta oo Madaxweyne Biixi Qaato labadii Sanadood ee uu Talada dalka Gacanta.ku hayey Waxey noqdeen mid halkii uu Taabtaaba usoo Go,ayso.Mugdina galinaysa Mustaqbalka Siyaasadeed ee Somaliland kaga Duwaneyd Guud ahaanba Maamulada Soomaalida iyo Dawladaha Waaweyn ee Dariskeeda ah iyadoo , mid Walibana Lid ku tahey Go,aanada Daahir Rayaale Qaatey isagoo Madaxweyne Talada ku Cusub ah.

Najiib Ismaaciil.Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:0634466339

COMMENTS
LINKS