“Imisaan Kadaa Idhi, Hayna Dhaafin Doogee”Abwaan Axmed Aw Yuusuf. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Imisaan Kadaa Idhi, Hayna Dhaafin Doogee”Abwaan Axmed Aw Yuusuf.
November 29, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Abwaan axmed Aw Yuusuf (Habar yaro) oo kamid suugaan yahanada somaliland ayaa maanso gaaban ku cabiray xaalada wakhtigan ka taagan somaliland iyo cabashada shacabka ka haysata hogaamiyayaasha siyaasadeed ee Somaliland oo marwalba ay ku hogoobaan wixii ay ka sugayeen isagoo farta ku fiiqay sida uu bulshada ugaga digay waxyaabaha soo socda iyo ku wax qaadashadooda.

Abwaan Axmed Habayaro  ayaa barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga ku baahiyay maansadan waxay udhignayd Sidan;

Alaylee Dayowgaa Dadka

Qaarkii Gaadhiyo Dubahaa

Dhakada Jaray Waa Doqon

Abaal keed Imisaan Kadaa

Idhi Hayna Dhaafin Doogee

Imisaan ka digi jiray dabka

Huursanee jara imisaan

Dul iyo hoos ugu dhigay

Dabuubaha doqon baan

Wax garanine .

Afartaa daleeyee docda

Kalana aan dayo madax

Nimo ladoonoon diif iyo

Kulayliyo dibin daabyo loomarin,

Qarka Aayar laga

Daro.horaa loogu daaloo

Dadka nimaan abaal dhigan

Ducadood mahelayee

Ha ku daalin gocashada,

Abwaan Axmed Aw Yuusuf Habaryaro.

Hargaysa Somaliland .

 

COMMENTS
LINKS