Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Somaliland Oo Xil Looga Magacaabay Soomaaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Somaliland Oo Xil Looga Magacaabay Soomaaliya
December 1, 2019 - Written by Wariye:

Hargaysa / Wajaale News
Bulshada ku nool somaliland ayaa u dhagtaagaysa isla markaana naawilaysa warar ku saabsan sidii ay wax uga ogaanlahayeen mid ka mid ah saraakiisha ciidanka qaranka somaliland oo dhawaan tagay magalada muqdisho ee maamulka soomaaliya halkaasi oo xil looga magacaabay.


Askarigan oo ka tirsanaa ciidanka qaranka somaliland ayaa ka mid ahaa saraakiishii wakhtiga dheer lagu soo tabcayay ee mudada todobada sano ah waxa ku baranayay dalka Itoobiya gaar ahaa kuliyadaha culuunta ciidamada, intii uu ku jiray tobobarka waxa uu qaatay bilad dahab ah sidoo kala kaalinta labaad ayuu u galay ciidamadii kala duwanaa ee ay wax-wada baranayeen waxnu dhamaystay darajada heerk labaad ee jamacada (Master).

Sarkaalkan ayaa lagu magacabaa AXMED CIISE AXMED waxan uu haystay darajada (Gaashaanle Dhexe) waxana darajada gudoonsiiyay madaxwaynaha somaliland MUUSE BIIXI CABDI oo wakhtigaasi ku dheeraaday ahmiyada ay ciidanku u leeyihiin qaranka somaliland iyo sidii ay  saraakiishani ciidamada uga faaidayn lahayeen aqoontii ay soo barteen.


warar aanu ka helay ilo xogogaal ah oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in gaashaanle dhexe AXMED CIISE AXMED loo magacaabay hogaanka tobobarka ciidanka soomaaliya,
gaashaanle dhexe AXMED CIISE AXMED ayaa ka soo jeeda gobolka AWDAL oo mudooyinkii ugu dambeeyay hadal hayn wayni ka taagnayd saami qaybsiga kuraasta iyo tabashooyin ay ku doonayaa sidii ay xukuumadu xilal ay ugu magacaabi lahayd arintani ayaa la filayaa inay la xidhiido in uu xilka u doonto maamulka soomaaliya.
isku soo wada duuboo xukuumada somaliland ayaa aan wali ka hadlin sarkaalkan ka goostay ee soomaaliya xilka looga magacaabay iyo sobobta keentay in uu somaliland ka huleelo

Taariikhdii sarkaalka oo dhamaystiran dhawaan kala soco Africa Telegram News

Hargaysa Office
Africa Telegram News

COMMENTS
LINKS