“Gabiley Dadkeedu Maanta Waxey Marayaan In Markii Codkii Laga Dhaansadey, In Qandaraasyadii Uu Madaxwaynuhu Inamadii Uu Abtiga U Ahaa Ku Dulsiiyo”!W/Q;Najiib. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Gabiley Dadkeedu Maanta Waxey Marayaan In Markii Codkii Laga Dhaansadey, In Qandaraasyadii Uu Madaxwaynuhu Inamadii Uu Abtiga U Ahaa Ku Dulsiiyo”!W/Q;Najiib.
December 1, 2019 - Written by Editor:

Waayadii Hore Odoyaashii iyo Waxgaradkii Reer Gabiley Waxey Ahaayeen kuwa siweyn uga dhiidhiyi jirey, Marba Xaalada Soo foodsaarta Ha ugu Darnaato Xiligii Taliskii Milataragii Siyaad Barre oo Cadaadis Iyo Awood sheegasho Siyaado ah lagula Dhaqmayay, Taas oo ay haddana kawada dagaalami jireen kana Dhiidhiyi Jireen hadey ahaayeen Ganacsatadii, iyo odoyaashii Madaxdhaqameedka ahaaba Waxaanay maalin Walba u Dagaalami.jireen in Siyaad Barre uu Siiyo Gabiley Gobolnimada ay Baadidoonka ugu jirtey ilaa lixdankii.

Aduu Waxey doonaan haku Waayeene Ama cadaawad halaga horyimaadee Ficilkoodu Wuxuu ahaa Mid Muuqdey oo ay Deegaankooda ugu Daacaad ahaayeen, islamarkaana, aanay cidna ugu habran jirin.

Haddaba Maanta Waa Sidee Xaalku maadaama Reer Gabiley Halgankii adkaa Ee Dalka loo soo Marey ay dhabarka kaga soo jabeen, Xornimadiina ay islahaayeen Maanta ayaad Nabsi Maalkii hesheen Waxa wax lala yaabo ah in Maamulba Maamulka uu ka Dambeeyo, uu uga Cadaawad Xun yahey kii hore, iyadoo taasi jirtana ay Dadkeedu Maalinba Maalinta ka Dambeysa noqonayaan kuwa ka dhug la,a Cadaawada iyo Waxa lagu hayo Gobolkooda iyo Sida loola dhaqmayo, haba ugu Darnaato Xukuumadan Muuse Biixi Madaxweynaha ka yahey oo la mareysa Cadaawadii ugu Xumeyd ee aan Waligeed La arag Tusaale hadaan usoo Qaato Wakhtiga Xukuumadan Waxaa loo Quudhi Waayay Dadkii Reer Gabiley, iyadoo Doorashadii Nidaam Qabyaaladeed oo aaney Gayin Marka Beesha Dhexe loo eego(Isaaq Dhexdiisa), lagu Jeediyay oo Codkoodii Kulmiye ay ugu Wada Shubeen ayaa haddana Markii Codkii Laga Shubtey Dhisme Lagu Sheegay in.Laybareeriga laga Dhisayo Gudaha Magaalada Gabiley Dhul Balaadhan oo laga Boobay Soonihii Cusbitaalka Waxa Qandaraaskii lasiiyay, Inan uu abti u Yahey Madaxweyne Muuse Biixi oo ka dhex qaatey Boqolaal Dhalinyaro ah oo Wada Aqoonyahan ah oo ay aheyd in ay Noqdaan Kuwii Wax Diidi lahaa Wixii Xaqdaro ah oo aan loola yimaadeen wixii Noocaas ah kuna odhan lahaa Waar Madaxweyne Ma Ninkii aanu Shaley Qabyaalada ku Raacney ayaa maanta Caruurtiisii Naga Naasnuujinaya oo aan Waxba isaga kaaya Tirinayn, halkii ay Sidaa ka Noqon laheyd Waaba la Baashirayaa  Runtiina Waa ayaandaro Weyn.

Ninkaa Wadankaa dhan Madaxweynaha ka ahi Waa Ninka ka Tagi Waayay Qaadhaankii Loo ururiyay Ganacsatadii Tog-Wajaale ay Meheraduhu kaga Gubteen ee tobanka Jeer Beenta loo Sheegay ee isaga laftiisu(Madaxweynaha), uu Beenta u Sheegay.

Waxaan Kusoo Koobayaa Nasiib-darro Dadka uu aaminsan Yahey iyo Kuwa uu Maanta Gabiley Wax ka Weydiiyaa Waa Caruur aan Ogayn oo aan Xog-ogaal u aheyn Wixii lasoo Marey iyo in uu Madaxweynuhu Col la ahaa Raggii qaacidu-jeeshka ahaa ee Kasoo jeeday Gabiley ee Halganka adag Soo Marey, ee katirsanaa Ururkii SNM Illaahay Naxariistii hasiiyee Dhamaantood Maanta Wey inaka hooseeyaan Mujaahidiintii Mahdi Cali Faarax, Xasan Yoonis Habane, Yaxye Xaaji Ibaraahim iyo Ragii kale ee Faraha baddnaa ee halgankaa ku dhintey iyo kuwa Noolba.

QALINKII; Najiin Ismaaciil Maxamed

Somaliland   Gabiley

Tell:0634466339

COMMENTS
LINKS