Mareykanka Oo War Kasoo Saartay Duqeymo Ay Ka Fuliyeen Degmada Jilib Ee Koonfurta Somaliya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mareykanka Oo War Kasoo Saartay Duqeymo Ay Ka Fuliyeen Degmada Jilib Ee Koonfurta Somaliya.
December 1, 2019 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Dawlada Mareykanka ayaa War Uu Soo saaray kaga hadlay duqeyn cirdka ah oo Sabtidii  ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta somaliya.

Taliska Ciidamada Africom oo Warkan soo saaray ayaa sheegay in ay hadda qiimeynayaa wax-yeelada ka dhalatay duqeynta oo lala eegtay saldhigyo ay ku sugnaayeen xoogagga Ururka Al-shabaab.

”Waxaan qiimeyneynaa natiijada duqeynta, sikastaba ilaa iyo hadda ma heyno cid rayid ah oo wax ku noqotay ayaa lagu yidhi Warka ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africom.

Taliska ayaa balanqaaday in ay sii wadi doonaan duqeymaha ka dhanka ah sida ay hadalka u dhigeen kooxaha Argagixisada iyadoo gacan la siinayo  Dowladda Soomaaliya.

Mareykanka ayaa wali sii wadda weerarrada Cirka ah ee ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya iyo quwadaha shisheeye ee gacanta siinaya.

WAJAALENEWS DESK

MUQDISHO

COMMENTS
LINKS