Sida Ay Ku Timid “Xul-MAAHA Ee WAA XAl”.?W/Q; Maxamuud Jawhar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sida Ay Ku Timid “Xul-MAAHA Ee WAA XAl”.?W/Q; Maxamuud Jawhar.
December 2, 2019 - Written by Editor:

“Somaliland Dhinaca Siyaasada Lama Guurin Geedigii Loo Baahnaa”.

Madaxwaynihii Geeriyooday ee somaliland Maxamed X Ibraahin Cigaal AHN ayaa la waydiiyey, qaab nooceeya ayaad u soo xulataa dadka aad xilalka u magacawdo?

Madaxwayne Maxamed cigaal waxa ku  jawaabay kalmad u gashay diiwaanka siyaasada “WAA XAL  EE  XUL MAAHA”. Oo Macno ahaan noqonaysa  waa iska qarjajac iyo in Beelaha wada daga Somaliland in ay  iska dhex arkaan kuraasta dawlada si beelina  aanay iskaga dhex-waayin kuraasta  arintaasi waxay ahayd mid xaqiiq marka loo eego marxaladihii dalku ku jiray ee yebyebka ahaa.

Hadaba ilaa hada oo 18 sanno  laga joogo wakhtiga marxuum Cigaal sidaa lahaa, oo la marayey wakhti xasaasi ah, laguna jiray dib u dhiska Dalka  iyo midaynta bulshada sidaas ayey cudur daar ku lahayd kalmada uu ku jawaabay marxuum madaxwayne Maxamed Ibrashin Cigaal.

Sidoo kalena marka la eego wakhtigan imika la marayo ee 2019 ma muuqato wax horumar ah oo laga sameeyey nidaamkii hore ee madaxwaynayashii soo maamulay dalka ee ku salaysanaa  nidaamka Beelaha lagu siin jiray kuraasta.

Waxan hada laga gaadhay wakhtigii  madaxwayne muuse biixi cabdi ka gudbi lahaa Nidaamkaa hore,  ee lagu soo  magacaabi jiray  siyaasiyiinta Xukumadda ee Boskaa wasiir reer hebel ku badal, qof ka soo jeeda Isla Beeshiisa ah.

iyo wasaaradaa waxa iska leh  reer hebel,  inta ay sidaa tahayna waa nidaam kii ku salaysanaa Erayga  Xal maaha, ee waa qarjajac.walina siyaasada wax horumar ah uma guurin halkii loo baahnaa in loo guuro.

QALINKII; SUXUFI MAXAMUUD XUSEEN JAMAC(JAWHAR)-

COMMENTS
LINKS