Xukuumadda Somaliland Oo Farriin Hambalyo ah u Dirtay Dawladda Iyo Shabiga UAE. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland Oo Farriin Hambalyo ah u Dirtay Dawladda Iyo Shabiga UAE.
December 2, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa(W.N)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa  ku bogaadisay dawladda Imaaraadka Carabta  xuska maalintooda qaranimada dalkaasi oo 2-da December oo maanta ku beegnayd.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay dhambaal hambalyo ah oo Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) uu ku baahiyey bartiisa Twitterka, kaasi oo u qornayd sidan:-

“Xukuumadda JSL waxa ay si niyadsai ah ugu hambalyeynaysa Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed bin Sultan Al Nahyan, Maamuleyaasha iyo shacabka Imaaraada Carabta munaasibadda maalinta qaranimadooda.

Waxa kaloo Madaxweyne Ku-xigeenka JSL  sheegay inuu u rajaynayo  Imaaraadka Carabta inay ku naaloodaan nabadda iyo barwaaqada.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

COMMENTS
LINKS