“Waxaan Kuu Sheegayaa, In Aan Mabsuud Ku Ahay In Uu Alle Iga Dhaliyey Kuwaad Midgaha U Taqaanid”Barkhad Jaamac Batuun, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaan Kuu Sheegayaa, In Aan Mabsuud Ku Ahay In Uu Alle Iga Dhaliyey Kuwaad Midgaha U Taqaanid”Barkhad Jaamac Batuun,
December 3, 2019 - Written by Editor:

“Astaan Madaxweynenimo Waa Caddaalad Iyo Sinnaan Bulsheed. Waxaans’e ka Murugeysanahay In Ay Dadkeeni Somaliland iyo Dunidiiba Ogaatay In Aad Tahay Madaxweyne Hayb-sooca Muwaadiniinta Yaqaana”Afhayeen Barkhad,

HARGAYSA(W,N)-Afhayeenka xisbiga Wadani Barkhad Jaamac batuun Ayaa Jawaab Ka Bixiyay Hadalo mudadi uu xidhnaa Baraha bulshada aad loogu hadalhayay oo laga soo wariyay Madaxwaynaha somaliland muuse biixi in uu masuulkan barkhad jaamac batuun ku wareeray xili dhalinyaro ay iswarsanayeen kuwaasi oo ahaa weedho aad u foolxun iyo haybsooc cusuriyadi ku dheehan tahay.

Barkhad Jaamac Batuun ayaa qoraal uu ku Daabacay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga,ku baahiyay qoraal qiiro leh oo uu kaga hal celiyay hadalka madaxwayne bixi laga soo wariyay, isagoo sheegay in uu ku qanacsan yahay cida ilaahay ka dhaliyay balse madaxwaynuhu uu ku kacay haybsooc ka hor imanaya dastuurka Somaliland ee lagu dhaariyay,madaxwaynaha ku yahay,

QORAALKA BARKHAD JAAMAC BATUUN AYAA UDHIGNAA SIDAN;

“Waxa Aan ka Marag Kacayaa In Aad tahay Madaxweynahaygii, Madaxweynihii qarankeyga, Madaxweynihii Mucaaradka iyo Muxaafidka, balse waxa aan kuu sheegayaa in aan Mabsuud ku ahay in uu Alle iga dhaliyey kuwaad Midgaha u taqaanid Oo aan 20 Sanno ka hor soo jiidhay deyrki Jeelki Jaahiliyada ee Sumadiisu aheyd kala Sarreynta Dadka. Astaan Madaxweynenimo waa Caddaalad iyo Sinnaan bulsheed. Waxaans’e ka Murugeysanahay In ay dadkeeni Somaliland iyo dunidiiba ogaatay In aad tahay Madaxweyne hayb-sooca Muwaadiniinta yaqaana kana run sheegi karin qodobka 8aad ee dastuurka dalka dhaartana aad ku martay! Hawshaada wado hanki qaranka Rumoobe Haybtuna Waa Maqiyaaska Maamulkaaga! Hora loo soconaya.

AFHAYEEN BARKHAD JAAMAC BATUUN.

COMMENTS
LINKS