Muxuu Daarnaa Kormeerkii Madaxwayne Biixi Galabta Ku Gaalaa Bixiyay Duleedka Caasimadu? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muxuu Daarnaa Kormeerkii Madaxwayne Biixi Galabta Ku Gaalaa Bixiyay Duleedka Caasimadu?
December 3, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Galabta Kormeer Tamashlayn ah Ku Tagay Qaybo kamid ah  Degmada Axmed Dhagax Ee Caasimada Hargaysa isagoo Lagu Arkay Xaafada Masalaha Ee koonfurta Hargaysa Iyo deegaanka ka baxsan magaalada,

Sicad looma Shaacin ujeedada kormeerka madaxwayne biixi oo Ay ka Barbar Muuqdaan Xubno Gacan yareyaal ka ahaa  xukuumadii Axmed Siilaanyo iyo shakhsiyaad kale.

Sidoo kale Madaxwayne biixi ayaa makhaayadaha aan ahayn gudaha magaalada kala shaaheeyay shacab ku sugnaa.

Dhanka kale Madaxwayne bixi ayaa sawiro lasoo galay Dhalinyaro ciyaaraysay Kubad Isla goob kamid ah  koorfurta Magaalada hargaysa, kuwaasi oo lagu baahiyay Muuqaalada uu la galay  baraha Bulshadu ku kulanto.

Kormeerka madaxwayne biixi dacalada caasimada ayaa umuuqda kuwo uu ku kulminayo hadalhaynata shacabka ee khilaafka udhexeeyay xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka oo uu isagu qaybta ugu wayn ku leeyahay marka loo eego ka dhago adayga xaqiiqada rasmiga ee uu salka ku hayo muranka armaha doorashada.

Baraha ay ku kulmaan bulshadu ayaa waxay aragtiyo ka bixiyeen muuqaalada laga helayo madaxwaynaha oo gaaf wareegaya duleedka caasimada ayaa ku macneeyay in ay qayb ka tahay xaalad abuurka madaxwayne biixi iyo isdiid siinta waaqica ka taagan dalka uu isagu hormuudka ka yahay iyagoo ku sheegay in uu arinta uga dan leeyahay kaliya in ay  shacabku ku mashquulaan balse aanay jirin kormeer ama shaqo baahiyaha bulshada waxka taraysa oo uu uga dan lahaa booqashadiisa  uu ku gala bixiyay duleedka caasimada.

Halka xogaha qaar laga helayo socdaalka madaxwayne ee aan ka fogayn agagaarka caasimada ay ku sheegeen in uu daarnaa soo eegista dhul beereed uu ka iibsaday deegaanka xaraf oo wakhtiga lagu wado in uu ku dhaqo geel,wallow aan sicad loo ogayn,

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

COMMENTS
LINKS