Maxamuud Xaashi Waan Ku Hambalyeynayaa Hankiisa Iyo Damaciisa Waxaan Ku Dardaarayaa In Aanu Muuse Biixi Abaalkii Ka Sugine Faraha Ku Maroojiyo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxamuud Xaashi Waan Ku Hambalyeynayaa Hankiisa Iyo Damaciisa Waxaan Ku Dardaarayaa In Aanu Muuse Biixi Abaalkii Ka Sugine Faraha Ku Maroojiyo.
December 4, 2019 - Written by Editor:

Haddaanu Nahey Ragii Kasoo jeeday Bud-dhigii Xisbiga Kulmiye ee Galbeed oo Gabiley u Tahey Hormood Waanu Ku halmbalyeyneynaa, Waanan ku Taageersanahay, Waananu soo dhaweyneynaa Damaca Siyaasiga ah ee uu Maanta Shaaciyay Siyaasigii Maxamuud Xaashi Cabdi, Runtiina Wuu la habsaamey, Waxey aheyd in uu Mar hore Soo bandhigo Sababtoo ah isagu(Maxamuud-Xaashi), ahaan.wuu ka Taageero badanayaa Raga Maanta Talada Xisbiga haya, ee (Askarta), Waxaanan aaminsanahay hadii uu intan Kasoo horeysiin lahaa Ma dhacdeen Mudo Kordhinta Golaha Wakiilada, iyo Guurtidu Maxaa yeelay Gacanta Fuluhu Wey Xanuun.Kulushahaye Maxamuud ayaa Jaaniskii Siiyay oo Fursadaa uga Dib dhacey.

Haatan Dhacdaye, Mar hadii uu Maxamuud Xaashi Cabdi ka dhawaajiyay Damaciisa Siyaasiga ah Waa mid Xaqiiqdiisu Dhex taalo oo ay Ka muuqato Bulsha-weyntii Kulmiye taageerayaasha u ahaa oo Bari iyo Galbeedba leh, Waxaan ku Dardaareynaa Maxamuud In aanu U Yaacin Baalaxooftada Kooban ee Askarta haseyeeshee, ay Yihiin Niman Wada Dhaawac iyo Nabar ah Waxaan ku Leeyahey Abaal iyo Suubaasaalax hala Sugine Ka Qaado oo ka Fara-marooji Xisbiga ileyn looma baahna Xisbi Jeebka kujira oo Xubnha Gudidisa Fulintu laba Reer oo kaliya yahey, oo au Yihiin kuwii Jeegaanta Go,an ahaa ee uu Maalintii dhaweyd isugu yeedhay.

Mar kale Waxaan Leeyahey, Maxamuud Xaashi Damacaagan Maanta iyo Shaacintiisu Waxey Fursad u Tahey oo ay Rajo fiican u Tahey kumanaan dhalinyaro ah oo ah Taageerayaashii aasaaska u ahaa Xisbiga Kulmiye xaraa Waagii aan Muuse Biixi kujirin ee Noofamber 2002dii Waxey Rajo u tahey oo Mustaqbalka u Diyaar Garoobi Doona Taageerayaashii Galbeed Xisbiga KULMIYE ee Gabiley Kaw ka Tahey Waanu taageeraynaa, Waananu Barbar joognaa Mar Sadexaad ayaan ku.leeyahey kusoco oo ha joojin ee ka Qaado Xisbiga.

QALINKII; Najiib Ismaaciil Maxamed

Gabiley Somaliland

Tell:0634466339

COMMENTS
LINKS