“Siyaasada Somaliland Waa Ii Jaro! Qalinkii;Barkhad-ladiif. Maxamed Cumar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Siyaasada Somaliland Waa Ii Jaro! Qalinkii;Barkhad-ladiif. Maxamed Cumar.
December 4, 2019 - Written by Editor:

Madaxweyne Cigaal baa madaxweyne Siilaanyo oo xildhibaan golaha Wakiilada ah ka dhigay wasiirka Maaliyadda, muddo ka dibna u bedelay wasaarada Qorsheynta, Siilaanyo waxa uu dareemay inuu sii socda, ka dibna muddo gaaban markii uu xilka hayey ayuu is casilay.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xildhibaanadnimadii ka soo kaxeeyey Cabdicasiis Samaale oo gudoomiye ku xigeenka golaha Wakiilada ah, waxaanu ka dhigay wasiirka Maaliyadda muddo ka dibna waxa uu bedelay wasiirka waxbarashada, Samaale waxa uu arkay inuu sii socdo oo uu albaabkii laga baxayey u dhowaaday ka dibna wuu is casilay.

Madaxweyne Muuse isagoo gudoomiyaha xisbiga kulmiye ah ayuu sheegay inuu u sharaxan yahay musharaxa madaxweynaha ee xisbiga isagoo madaxweyne Siilaanyo teeramkiisii labaad u hadhsan tahay, isla markaana xaq u leh inuu isa soo sharaxo Siilaanyo , waxanay abuurtay khilaaf xisbiga dhexdiisa ah.

Maxamuud Xaashi isna tabtii Muuse sameeyey ayuu isna shaaciyey inuu musharax xisbiga kulmiye yahay isagoo madaxweyne Muuse teeramkiisii labaad wali u hadhsan yahay, taas oo abuureysa khilaaf hor leh xisbiga dhexdiisa.

Mar hadii uu Muuse isagoo Siilaanyo taagan yahay isa soo sharaxay, Maxamuud Xaashina waxa uu isa soo sharaxay isagoo Muuse Taagan yahay, marka siyaasadda Somaliland miyeyna ahayn ii jaro.

Qalinkii; Barkhad-ladiif.

COMMENTS
LINKS