Guul Darrooyinka Iyo Dib U Dhacyada Geedi Socodkii Dimuqraaddiyada Jsl Ay Ku Keentay Saaxadda Siyaasadeed Ee Saddexda Xisbi! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guul Darrooyinka Iyo Dib U Dhacyada Geedi Socodkii Dimuqraaddiyada Jsl Ay Ku Keentay Saaxadda Siyaasadeed Ee Saddexda Xisbi!
December 4, 2019 - Written by Editor:

Guul Darrooyinka Iyo Dib u Dhacyada geedi socodkii dimuquraaddiyadda ay ku keentay saaxadda siyaasadda somali land oo saddex lagu koobay madaxwaynaha iyo labada Gudoomiye Xisbi Mucaarad Muuqaalada ka muuqda saaxadda siyaasadda Somaliland waxay tilmaamayaan in aanu Saddedxa Xisbi qaran ku jirin Siyaasi kale oo han leh, Saddexda Gudoomiye xisbi mooyee!! Waxaase iswaydiin mudan. Ma ku jiraa Xisbiyada siyaasadda somaliland siyaasi han leh oo doonaya in uu u tartamo golayaasha qaranka,sida Golaha Guurtida,Golaha wakiillada iyo golayaasha deegaanka waa yaabka yaabkiiye ? ! ! ! . Waa maxay sabobta Saddexda xisbi qaran looga waayay siyaasiyiin u tartamayasa Golayaasha qaranka sida,Golaha Guurtida,Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ?

Siyaasiyiinta saddexda xisbi qaran ee somaliland ku jiraa miyaanay han u gaara lahayn mise waxay taageeradoodu ku kooban tahay Saddexda gudoomiye Xisbi ?

Haday leeyihiin han shaqsiya maxaa afka ka xidhay ? Hadii la waayo siyaasiyiin hankooda u hagar baxaya oo ka shaqaynaya sidii doorashooyinka Guurtida,Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka dalka uga dhici lahaayeen, miyaanay hubaal ahayn in ay kuraasta ku sii fadhiyaan Sannado kale oo badan raga maanta fafhiyaa ?

Aaway murashaxiintii hankooda shaacisay ma siyaayiga Ramaax oo kaliyaa ka soo hadhay ?

QALINKII;ABWAAN  SACAD XAAJI MAXAMUUD GADHLE.

COMMENTS
LINKS