BAL MAXAY KU GALEEN?ABWAAN WEEDHSAME. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
BAL MAXAY KU GALEEN?ABWAAN WEEDHSAME.
December 5, 2019 - Written by Editor:

Dhakhtarkii Jabaaniiska ahaa ee la odhan jiray Tetsu Nakamura, dadka reer Afgaanistaana ay u yaqaaneen “Kaka Mura” ama Adeero Mura ayaa shalay dabley aan la aqoonsan ku dishay Jalalabad. Kelidii lama dilin balse waxa iyagana la laayey shan qof oo reer Afgaanistaan ah oo la socday.

1984-kii ayuu si mutadawacnimo ah ku yimi Afgaanistaan, si uu dadka reer Afgaanistaan uga daweeyo xanuunka juudaanka “leprosy.” Qorshihiisu waxa uu ahaa inu joogo shan ilaa lix sanno. 1991-kii ayuu saddex xarumood oo adeegga caafimaad bixiya uu ka furay gobolka Nangarhar, blase waxa uu yaqiinsaday in caafimaad-darrada waxa sababayaa ay tahay nafaqo-darro ku habsatay bulshadii uu dawaynayey. Arrintani waxay ku dhalisay inu ballaadhiyo hawshiisii caafimaadka ku koobnayd oo uu ku daro wax-soo saarka beeraha iyo samaynta gacano “canals” biyaha qaada.

Sannadkii 2000 ayaa abaar ba’ani ku dhufatay gobolkii uu joogay. Biyo la’aantii iyo nafaqo-darradii ayaa sii badhi-taaray xanuunadii jiray, noloshii dadkuna halis bay gashay. Waxa laga qoray odhaah layaab noqotay oo waxa uu yidhi “Hal gacan-biyood ayaa qaban kara shaqo ka wanaagsan intii 100 dhakhtar qaban lahaayeen.”

Bilawgii 2003-dii ayuu Nakamura bilaabay inu ka dhiso degmada Khewa gacan-biyood beeraha lagu waraabiyo. Gacankani waxa uu biyaha ka soo qaadayey webiga KUNAR oo degmada u jiray 25.5 km.

Sannadkii 2016-kii, Nakamura waxa uu dhisay 8 gacan, kuwaas oo waraabinayey dhul-beereed 16,000 oo Hektar ah. Dhul-beereedka baaxadaas leh waxa ku badhaadhay dad gaadhaya 600,000 oo qof oo awal degganaa gobolka lama-degaanka ah ee Gambeeri.

Nakamura waxa uu hal-hays u lahaa oo uu odhan jiray “Hubka iyo kaarayaashu dhibta ma xalliyaan, balse soo noolaynta dhul-beereedka ayey dadka reer Afgaanistaan dhibta kaga soo kaban karaan”

QALINKII;- Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil.

 

COMMENTS
LINKS