“Isku Shaandhaynta Madaxwayne Biixi Waxa Uu U Sameeyay Hal Beel, Inta Kalena Wuu Ku Qurxiyey!Dhimbiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Isku Shaandhaynta Madaxwayne Biixi Waxa Uu U Sameeyay Hal Beel, Inta Kalena Wuu Ku Qurxiyey!Dhimbiil.
December 7, 2019 - Written by Editor:

Marka Aan Eegay ee dhinacwalba ka eegto isku shaandhaynta uu sameeyey Madaxweynaha Somaliland waxa ay iila muuqataa mid uu u sameeyay hal beel oo reer Somaliland ah inta kalena ku qurxinayey , waxaa ii soo baxday in Madaxwayne Biixi ku mashquulsan yahay Abtiyaashii marka la eego isku shaandhayntan iyo tii magacaabista taliyaha ciidanka policekaba.

Haddaba mashquulkaasi waxa uu noqon karaa laba arimood mid , waa ta koowaad e in uu la il daran yahay Madaxweynuhu culayska mucaaradeed ee kaga imanaya xaga xisbiyada mucaaradka oo uu u tirinayo in ay beelwaynta Garxajis ka soo jeedaan labada gudoomiye ee axsaabta siyaasadu .

Iyo waata labaad e in uu damacsan yahay in uu xididada u saaro mucaaradada Xisbiga Waddani oo ay kaar wayn ku hayso , isla markaana uu u arko madaxweynuhu in xisbigu hantiyey taageerada beesha Garxajis , una soo xadhko xidhay sidii uu u wiiqi lahaa ee u qaybin lahaa.

Marka aad si macno iyo mugweyn u eegto isku shaandhaynta uu Madaxwayne Biixi sameeyaa maaha qaar macno weyn ku fadhiya isla markaana umadu u dareemi karto in uu isbadelo sameeyey , sidaasi oo kale waxa muuqata ujeedada uu isbadelka u sameeyay in aanay ahayn baahi iyo daruuri dalka iyo dadku tabayaan ee ilaa maanta waxa uu ku jiraa hirdan iyo dagaalo siyaasadeed , waxaana muuqata in Madaxwayne Biixi yahay mid u nugul dhaliisha iyo mucaaradada oo ay dhib weyn ku hayso isla markaana ku mashquulsan sidii uu wax isaga celin lahaa.

Hadii uu Madaxwaynaha qaranka dhan hogaaminaya ee laga filayo in uu dalkan iyo dadkan himiladooda qaran xambaaro rumeeyona hiigsiga Somaliland uu ku mashquul yahay arimahani labada ah , waxa iska cad in aanu Somaliland waxba muuqda ku soo kordhin karayn , isla markaana aan laga rajaynayn hogaamin sigib tiran oo dalka iyo dadka Somaliland jiho wanaagsan u dhaqaajin karta.

Marka lagu daro muruga galay nidaamkii dimuqaradiyada iyo doorashooyinka ee loo geeyo mudo kordhinta golaha wakiilada Somaliland ee aan la garanayn duruuf keentay ee lagu daro komishanka uu madaxweynuhu gaarka u sameystay ee aanay jirin cid kala raali ah dadkii hawshaa la lahaa , waxa ay soo baxaysaa uun in uu u diyaar yahay murug iyo Somaliland in ay madaxa iskula jirto iyo in dadka beelo beelo la isugu mashquuliyo , taasina maanta maaha siyaasad dalkan ka shaqaynaysa oo dadka Somaliland dhibaatoyinkani way soo daashadeen , waxaana maanta loo baahnaa hore u socod ..

Markaa haatan iyo dan , waxa haboon in reer Somaliland dib isugu noqdaan oo isweydiiyaan maxaa inoo dan ah ? Dalku xagee uu u socdaa ? Sidani miyey dan inoo tahay in wakhtiga umada lagaga dilo murano iyo dhacdooyin kutalagal loo sameeyey oo la mid ah kuwii Somaliland la isku khilaafsanaa tobaneeyo

sano ka hor ? iyo su’aalo badan oo kale si umadani halganada kala duwan ku soo jirtay afartameeyadii sano ee u dambeeyay tacabkeegu aanu u lumin.

Aragtideyda

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS