Jaaliyada Somaliland Ee ku Dhaqan Toronto Oo Taageeray Guddida Doorashooyinka Cusub Iyo Waxqabadka Xukuumadda Biixi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jaaliyada Somaliland Ee ku Dhaqan Toronto Oo Taageeray Guddida Doorashooyinka Cusub Iyo Waxqabadka Xukuumadda Biixi.
December 9, 2019 - Written by Editor:

Toronto(W,N)-Haldoorka Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Toronto iyo nawaaxigeeda, ayaa kulan balaadhan oo ay isaggu yimadeen ku taageeray Guddida doorashooyin Cusub Somaliland ee dhowaan Baarlamaanku ansixiyeen iyo weliba hoggaankooda oo loo doortay Gudoomiye Cabdirashiid Riyo-raac.

kulankan oo ay gadhwadeenka ahaayeen Labeenta Jaaliyada Somaliland ee ku nool Toronto iyo nawaaxigeeda,ayaa lagu taageeray Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ee ka socda dalka, gàar ahaan Mashaariicaha waaweyn ee hirgalay iyo weliba kuwa socda sida dhismaha Dekeda Cusub iyo Wadada Berbera Corridor iyo weliba qorshayaal horumarineed oo fulay iyo kuwa socda intaba.

Haldoorkan oo hadhimo sharafeed ku gorfeeyey Xaalada Siyaasadeed ee dalku jiro waxay Xukuumadda talada haysa iyo asxaabta Mucaaridka ahba usoo jeediyeen inay u midoobaan, isla markaana danta Qaranka Somaliland ka horaysiiyaan danahooda gaarka ah, iyaggoo dhinaca kalena qaybaha Bulshada Somaliland ee ku nool dalka iyo qurbaha intaaba usoo jeediyey in laga baxo  abtirsiinta gaarka ah, una guuraan ta qaranimada Somaliland ee guud.

guntii iyo gebo gebadii Kulankaas waxa lagu taageeray Guddida Doorashooyinka cusub ee Somaliland oo dhowaan Baarlamaanku ansixiyeen, waxanay taageeradooda saldhig uga dhiggeen inay dalka ka dhacdo doorasho, isla markaana la helo Baarlamaanka hada fadhiya 14 sanadood  gole Cusub oo bedela.

balse waxay ka digeen Jaaliyaddu muranka Koomishanka hadii uu sii socdo in mararkale dib u dhac doorasho dhici karo.

COMMENTS
LINKS