Ergadii Dhex Dhexaadinta Khilaafka Xisbiyada Mucaaridka Iyo Xukuumada Oo Aan Wali La Kulmin Madaxwayne Biixi+ Sobobta Uu Uga Muquurtay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ergadii Dhex Dhexaadinta Khilaafka Xisbiyada Mucaaridka Iyo Xukuumada Oo Aan Wali La Kulmin Madaxwayne Biixi+ Sobobta Uu Uga Muquurtay!
December 9, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Ergadii dhex dhexaadta Khilaafka xisbiyada Mucaaridka iyo xukuumada soo kala dhexgalay Ee ka koobnayd Ganacsato iyo Culimo Awdiin ayaa wali wax kulan ah la yeelan Madaxwayne Muuse Biixi oo ay la balansanaayeen in ay kulmaan Axadii lasoo dhaafay, taasi oo aan wali la shaacin sobobta uu u baaqday kulankoodii iyo waxa madaxwayne biixi uga muquurtay la kulanka ergada isku xil qaatay xal uhelida khilaafka xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada oo salka ku haya xubno kamid ah komishanka dhawaan la ansixiyay islamarkaana la wareegay xilkii komishanka qaranka,Gudoomiyena Udoortay midka mid ah xubnihii muranka labada dhinac xudunta u ahaa.

Wararka laga helayo sobobta aanay wali usuurtoobin kulanka ergada dhexdhexaadinta oo iyagu xisbiyada mucaaridka hore ula kulmay islamarkaana ay ku kala yimaadeen go,aan cad in Ergadani ay ka keenaan Madaxwaynaha iyagoo usoo gudbiyay mawqifkooda kama danbaysta ah.

Hadaba xogaha laga helayo baaqashada kulankii ay ku balansanaayeen madaxwayne biixi Iyo ergadni ayaa sheegay in uu ka baaqday dhinaca madaxwaynaha oo isagu ka cudurdaartay  wali aan ergada lagu soo celin wax balan ah halka ay iyagu maalin kasta quudaraynayaan helitaanka Madaxwaynaha.

Wararka hoose  ee laga helayo dhinaca madaxwaynaha jsl ayaa sheegaya in aanu marnaba diyaar u ahayn la kulanka gudidan iyagoo ku sobobeeyay in aanay jirin wax ay xiligan ku dhex dhexaadiyaan xisbiyada mucaaridka maadama ay golaha wakiiladu ansixiyeen xubnaha ay diidan yihiin islamarkaana la dhaariyay ayna la wareegeen xilkii komishanka taasi oo wakhtigan lahayn meel laga noqdo iyo wax ay xalka galin karaan ergada isku xil saartay dhex dhexaadintu.

Sikastabaha ha ahaatee Madaxwayne biixi iyo xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay oo looga bartay in aanay marnaba ka tanaasulin waxa uu dacmo madaxwaynuhu ayaa qaba Aragtida ah in aanay jirin wax xal laga galaan oo wakhtigan taagan halka ay xisbiyada mucaaridku wali quudaraynayaa natiijo ay keenaan gudida dhex dhexaadintu taasi oo u muuqata In sugitaanka xisbiyada Ucid Iyo Wadani ee ergada isxilqaatay uu ka dhigan yahay samir taagwaa iyo xisbiyadau  aanay lahayn awood ay ku qasbaan xukuumadu in ay kusoo noqoto dariiq lagu wada hadli karo, taasi oo keentay in aan  madaxwayne biixi dhag jalaq usiinin tabashadooda ,

Halka aragtiyaha qaar ay qabaan in aakhirka ergada dhex dhexaadintu xisbiga wadani ku qasbi doonto in ay ogolaadaan komishanka cusub, xubintii matalaysayna  ay kusoo daraan komishanka si doorasho dalka uga qabsoonto halka xisbiga ucid xubintii umatalaysay gudida doorashooyinku uu kamid yahay lixda xubnood ee xilka la wareegay.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS