Waxqabadka Maareeye Siciid Ee Harumarka Iyo Hiigsiga Dekeduhu Waa Tacab la Mahadin-doono!W/Q; Cabdilahi Xuseen Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxqabadka Maareeye Siciid Ee Harumarka Iyo Hiigsiga Dekeduhu Waa Tacab la Mahadin-doono!W/Q; Cabdilahi Xuseen Cali.
December 14, 2019 - Written by Editor:

Hoggaamiye kastaa waxa guul-gaadhsiiya cidda garbihiisa joogta, waxaana lays weydiin karaa Ummadi ma noolaan kartaa Hogaan la´aan/ Madaxweyne la´aan? Jawaabtu waa Maya! Ma dhici karto inay jirto, ummad aan lahayn Hogaan, toosiya, Aayaheeda ka talisa, magaceeda iyo sumcadeeda-na kor u qaada. Hogaanku waxa uu lamid yahay abuurka qofka Bini-aadamka ahi qaab-dhismeedkiisa naf ahaaneed, mana jiro qof Nool oo bilaa Madax ahi oo noolada ama nafi ku jirto.

Haddaba, Iyaddoo Dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu leeyahay hadda Madaxweyne aad u firfircoon oo Ilahay Mahadi-haka gaadhee weli leh awoodii dhalinyaro-nimo iyo kartideedi leh, haddana waxa wax lagu farxo ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inay garbihiisa taagan yihiin oo ay xukuumadiisa kamid yihiin masuuliyiin xilalka qaranka uu u igmaday, kuwasoo leh aragti waxqabad caafimaad qaba iyo hufnaan shaqo oo dhamaystiran.

sidaas daradeed hadana way sii kala mudan yihiin masuuliyiinta safka hore kaga jira waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxana kowka ah masuuliyiinta Waxqabadka iyo shaqo wanaaga ehelka u ah, ee u adeega, Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo runtii noqday dheeman qaaliya oo Qaranka usoo kacay.

waxanu kamid yahay Shaqsiyaadka muraayadda ah ee waxqabadka iyo horumarka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi doorka weyn ka qaatay mudada labada Sanadood ah ee ay jirtay lagu ma jirto inuu la yimi waxqabad todobaadle ah, mid bille ah iyo mid sannaad leh ahb.

Maanta qof kastoo aqoon u lahaa Dekeda Berbera ama xaaladihii ay ku sugnad sanooyinkii hore uu garanaya horumarka ay ku talaabsatay dhinac walba iyo waax kastaa.

iyadoo himilada guud WaxqabadkaXukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi kowka yahay, isla markaana masuulkaa firfircoon u wakiishay, hadana hadaanu nahay Shacabka Somaliland waxa nagu waajib ah, inaanu masuulkii tisqaad iyo horumar ku sameeya Hayada qaran ee u masuulka yahay, naga mudan yahay Hambalyo iyo dhiirigelin, waxananu leedahay halkaa kasii waad mudane Madaxweyne iyo Maareeye.

Guntii iyo gebogebadii waxa cid walbaa ka markhaati kacaysaa waxqabadka mugga balaadhan ee dekeda berbera ku soco, waxanay noqotay mid lagu majirto isbedel ahaan, lana tartamaysaa Dekedaha caalamiga ah ee Geeska Africa ku yaala, waxanaynu rajaynaynaa inay dhaafno sanadada dhow dekedo waaweyn, markaa uu dhamaado Mashruuca dhismaha Dekeda Cusub iyo ka wadadu, isla markaana la bilaabo ama uu isna inoo dhamaado dhismaha ugubka ku ah Qaranka Somaliland ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, dhowaan daah-furay  mashruuc ballaadhan oo lagu hirgelinayo Aagga cashuuraha ka caaggan ee dekedda Berbera ee loo yaqaan Free-zone ka.

Somaliland guul insha alla, Waa Bilahi Tawfiiq

Cabdilahi Xuseen Cali

UK Bristol

COMMENTS
LINKS