Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Yaasiin Xaaji Cabdilaahi Oo Ku Geeriyooday Dalka Ingiriiska! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Yaasiin Xaaji Cabdilaahi Oo Ku Geeriyooday Dalka Ingiriiska!
December 21, 2019 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE: 21/12/2019

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Yaasiin Xaaji Cabdilaahi Maxamed oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 21/12/2019, dalka Uk gaar ahaan London.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halgamaa ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii, nabadayntii iyo dib u xorayntii dalka.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

COMMENTS
LINKS