Oddoroska Nayruuska Sannadka Cusub Ee 2020-ka!W/Q;-Maxamed F. Qoti. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Oddoroska Nayruuska Sannadka Cusub Ee 2020-ka!W/Q;-Maxamed F. Qoti.
December 31, 2019 - Written by Editor:

Eebaa Iska leh garasho, cilmi iyo aqoon, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, qadarkiis iyo maamulkiisa cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban.

Haddana Aadamuhu ma’daayo Saadaasha iyo odoroska Mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan in ay wax ka ogaadaan Wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, Umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, Uma-adkeysan karaan haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen Ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin.

Balse, ku dhaqanka saadaasha xidiggaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taasoo ay ku falanqeeyaan isbedelka cimilada, hawada, bad-maaxida, dowladaha.

Haddaba, waxa aynu malle aadame ku male’awaalno, Odoroska mustaqbalka saadaasha Sannadka Cusub ee 2020-ka, waxaanay odhan jireen, Dadka ku xeelka-dheer leh, cilmiga odoroska xidigaha “Waxaanu u eegnay Mooro, Meere iyo Maalin,”

Moorada Sannadkan 2020-ka wuxuu ku beegmay Moorada Nayruus Arbacaad, waxa loo nisbeeyo astaanta lixaad ee burjiga dabooje, waxay ku Aadan tahay muddada u dhaxaysa 23/8-22/9, godadka dayaxu uu mara waxay ku leedahay Koxdin-cawo iyo Garbo dirir, waa xilliga madhtamaha xaggaaga, waa burji Arliya ah, waana dhadig, habeenle ah, waa qabow iyo dheel Engagan, Jihadiisu Waa Waqooyi.

Waxa loo eegaa xaaladdaha qiimeynta hawlaha, go’aan qaadashadda, caafimaadka, muuqaalka hawlaha waxqabadka gaar ahaan, xoollaha nool iyo beeraha, rabitaanka nadiifinta wasakhowga hawada, nadiifinta deegaanka, isku xidhnaanshaha xidhiidhka saaxiibtinnimo, isticmaalka feejignaanta iyadoo la isku dayaayo qiimeynta waxyaabaha kale, waxa laga yaabaa in ay ka soo gudbaan xadka wax badan oo aan macno’ba lahayn.

Dhinaca Siyaasadda: waxa la saadaalin jiray in la arko isbeddelo siyaasadeed oo ku yimaadda habka hoggaaminta, qaab-dhismeedka dowladdaha madaxabannaan waxa dibaddaha kaga yimaadaan maamul ay wadaan wadamo kale, rumeysashada isgaadhsiinta, isla-weynida, xilligaas marka uu billaabmo dhaqdhaqaaqaasi ayey u iftiimi doontaa hoggaamiyayaasha, waxaana haboon in ay ka foggaadaan danta gaarka ah, kana shaqeeyaan danta guud iyadoo ay wehelinayso dabacsanaan badan, waxa kale oo la arki jiray, hufnaan iyo isla xisaabtan dhexmara hoggaamiyeyaasha dowladdaha, iskudhacyo badan oo ah dhinaca ciidamada cirka, xidhiidhka hayaddaha dowladdaha, kala sarreynta, dhaqaalaha, xukuumadaha, goobaha ay noloshoodu ay aadka u adag tahay, waa in la doorbidaa in la iska dhaafo wixii la soo dhaafay, lana jeexo dariiq cusub oo ah, dhinaca awoodaha xukumadaha iyo in la hello dareenka amniga….

La soco ……….

Qoraa:-Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)

 

COMMENTS
LINKS