Somaliland Iyo Xusuusaha Sannadkii Tagay!W/Q;Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Iyo Xusuusaha Sannadkii Tagay!W/Q;Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab).
January 3, 2020 - Written by Editor:

Sannad kasta oo kusoo mara intaad koonka dushiisa ku nooshahay, waxa uu kaaga tagaa waayihiisu raadad  iyo xusuuso kala duwan oo isugu jira farxad, naxdin, murug, walaac, barwaaqo, abaar, colaad, nabad iyo waxyaabo kale oo badan oo aan lagu wada xusi kareyn qormadan kooban ee aan dooneyno inaan si kooban hal meel diiradda u saarno waayihii u xambaarsanaa sannadkii tagay ee kusoo xidhmay Salaasadii toddobadkan iyo filashada sannadka cusub  2020ka.

Mawduucan oo ah mid aad u ballaadhan suurtagal innooma ah inaan kusoo wada dul-marno xusuusihii ugu mudnaa ee Somaliland soo maray sannadkii aan kasoo gudubnay, haseyeeshee mid ka mida xusuusihii ugu miisaanka badnaa ee uu lahaa, haddaan soo qaadano oo ah xusuus ay dunida oo dhan ka siman tahay xusiddeeda , waana isbeddelka cimilada adduunka oo ay ka dhasheen masiibooyinka   dabiiciga oo si xad-dhaaf ugu soo kordhay dunida  sannadkii tagay, kagana tagay raadad aad u naxdin badan sida nafo tiro badan oo bani’aadan iyo noolayaasha kale ee ay ka mid yihiin xamaaratada,  xayawaanka dab-joog iyo duur-joogba, sidoo kalena ay masiibooyinkii dunida ka dhacay dhul dhan iyo magaalooyin dhisnaaba ka dhigeen gego cidlo ah.

Masiibooyinkii ka dhacay dacallada dunida sannadkii aan soo dhaafnay ee nafaha iyo hantida badan galaaftay waxana ugu xoog badnaa Duufaannada, Daadadka,Dhul-gariirrada iyo Dabka oo Ustareeliya illaa hadda muddo laba bilood ku dhaw la bakhtiin kari la’yahay dab ka kacay keymaha dalkaasi iyo Abaaraha, intaas oo masiibooyin ah ayaa Ilaahay hareer mariyey dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isla foomarkaana masiibooyinkaa uu EEBBE isagaa awood badane ugu beddelay Roobab iyo Reys aan kala go’in sannadkii tagay oo dhan, kaas oo maasheeyey arllada Somaliland laga soo bilaabo dacalka ugu bariyeeya ilaa ka ugu galbeedeeya oo ay roobabkii xidhiidhka ahaa ka dhigeen Somaliland dhul wada cagaarran.

Sannadkii tagay Ilaahay harraatidiisana ha innaga duwee, waxa uu reer Somaliland uu u ahaa mid bashbash, barwaaqo iyo badhaadhe ay kusoo dhammeysteen oo ay kaga nasteen bustii, boodhkii iyo fool  xumooyinkii dadka iyo xoolahaba korkooda ka mjuuqan jiray waqtiyo hore oo abaaro kululi faro saareen dadkii iyo duunyadoodiiba.

Waxa uu sannadkii tagay u ahaa shacbiga reer Somaliland oo Ilaahay uga dhigay mid qof kasta oo Somaliland ah Miyi iyo magaalo-ba  ku nageeyey halkiisa, markuu Eebbe ugu deeqay, una shubay Raxmad aan dabeylo, duufaano, daadad iyo danab toona lahayn dadka reer Somaliland meel kasta oo ay ka deggan yihiin dhulka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo Ilaahay mahaddii ah in waqtigan aan joogno la jaro saracii ku baxay nimcadii aan helnay oo noqonaya kii ugu badnaa ee abid innoo baxa, tan iyo intaan dalkeena dib ugu soo laabanay 1991kii.

Maxaa haddaba innagu waajib ah, ma inaan u shuki naqno  ALLAH WEYN ee nimcadaa, nabaddaa iyo barwaaqdaa inna siiyey, mise inaan ka qaadno kibir, qab, iyo qolo-qolo, kadibna qoryaha isku soo guranaa oo midba ka kale dhiiggiisa xalaaleystaa? Ilaahay waxa uu inna faray oo yidhi ( haddaad ku xamdi naqdaan nimcada aan idin siinay, waan idiin kordhinaynaa, haddaad kufri iyo kibir ka qaadaana, ogaada in cadaabteydu kulushahay.)

Sidaa awgeed, waxa innagu waajib ah inaan ku shukrino nimcada EEBBE inna siiyey labadii sanno ee aynu soo dhaasfnay, isla markaana mideyno quluubteena oo aan dhinaca wanaagsan u wada dhaqaaqno innagoo wada-jirna, sidoo kalena sida la inna faray aan ka dembeyno oo adeecno madaxdeena aan dooranay ee habeen iyo maalin u taagan, in dadkooda nabadna ku seexdaan, kuna soo toosaan, markaas ayey xagga EEBBE wax walba innooga fududaanayaan if iyo akhriba, sannadka cusub ee innoo curtayna Ilaahay ha innooga dhigo mid kheyr leh, kii tagayna harraatidiisa ha innaga duwo.. AAMIIN.

 

COMMENTS
LINKS