Caqabada Kowaad Ee Dhalinyarada Haystaa Waa Dhalinyarada Xilalka Dawlada Ugu Jirta! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Caqabada Kowaad Ee Dhalinyarada Haystaa Waa Dhalinyarada Xilalka Dawlada Ugu Jirta!
January 4, 2020 - Written by Editor:

Waagii Hore Waxaan u haystay in hadii dhalinyarada xilalka sare loo dhiibo inay yihiin dadka kaliya ee fahmaya dareenka dhalinyarada, waxaase ogaaday inay ka wanaagsanaayeen odayaashii hore kuwaas ugu yaraan ixtiraami jirey dhalinyarada ,talooyinna siin jirey.

Dhalinyartan xilalka dawlada haya waxay xilalka u qaateen in been la sheego , in balandaro la sameeyo iyo inay cadowgooda u arkaan dhalinyarada kale.

Daraasad aan ka sameeyey dhalinyarada xilalka haya siday u niyad jabiyaan dhalinyarta kale iyo dhibaatooyin ay kala kulmeen ayaan idinla wadaagi doonnaa.

Siyaasadu maaha been, faan iyo dhalinyarada lala balamo oo loo jaro.

QALINKII; Barkhad-ladiif Maxamed Cumar.

 

COMMENTS
LINKS