Oddoroska Nayruuska Sannadka Cusub Ee 2020-ka!W/Q;-Maxamed F. Qoti.Q-2-Aad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Oddoroska Nayruuska Sannadka Cusub Ee 2020-ka!W/Q;-Maxamed F. Qoti.Q-2-Aad.
January 4, 2020 - Written by Editor:

Hawlaha shaqo ee xukumadaha: waxa la filan jiray in nidaamka dowladaha ay ku yimaadaan shaqo la’aan, waxa awooda la saarayaa tayeynta hawada, dhinaca xukumadahana, qalabka miiisaaniyadda, waxa la xakameyn doonaa hirarka hawada, hirarka wayfiska taawaradda, xisaabaadka isgaadhsiinta, shabakada xuubka caarada ee Internetka, isgaadhsiinta dibada, diyaaradaha, diyaaradaha xamuulka, satellites iyo waxyaabaha shaqada ku leh hawada sare, tayeynta hawada, wasakhowga hawada, iyo in dib loo hagaajiyo khasaarihii ku yimid deegaanka, wacyi galinta,

Marka la tayeeyo wacyi-galinta ogaanshaha xididada jidhkeena ee ku saabsan qaab-dhismeedka, dhaqaalaha, maalka, iyo waxayaabaha kale ee jidh ahaaneed, waxa la ogaan doonaa fikro badan, waxa la arki doonaa hawo khal-khal galinaysa xaqiiqada isbarbar dhiga jidhka, nafta iyo ruuxda. waxa si dhab ah loo arki doonaa tayeynta dareenka fikradahaas, gaar ahaana, tayeynta jacaylka ka soo baxa qalbiyada waxa uu badellayaa qafkasta hab-nolloleedkiisa, iyo waaya-aragnimadiisa

Waxa la odhan jiray, waxa wakhti lagu hawlan yahay habkii dib loogu dhisi lahaa xeerarka iyo qaab-dhismeedka nidaamka dowladnimo, qaab-dhismeedka hagayaasha, hab-dhaqannada, dabeecadaha, qaababka dareenada fikradaha, arimahaas oo dhan ayaa dib loo qiimeyn doonnaa, waxyaabo badan oo ah qaab-dhismeedka dibada iyo gudaha ayaa lagu sameyn doonnaa xog-ururin, qiimeyn, iyo fallaqyn lagu sameyn doonnaa

heerkan aynu gaadhsiisan nahay,

.Bisha Samo-laho 4-illaa iyo 5-deeda 2020-ka, waxa la fillan jiray in uu dhaco Dayax-madoobaad, Waxa la filan jiray in dhamaan qalab loo adeegsado xidhiidhka illaalinta amnigu in aan la adeegsan, waa in laga feejignaada oo isha lagu hayaa xidhiidhka saaxiibtinimada iyo dareenka amniga.

Bisha Deyr-habis 29-30-keeda 2020-ka, waxa la fillan jiray in uu dhaco Dayax-madoobaad, marka uu Dayaxu gallo Burjiga Leebka iyo qaansada iyo Burjiga Mataanaha, waxa la odhan jiray, waxa muhiim ah in aan laga mashquulin waxyaabaha muhiim ah.

QALINKII; MAXAMED FAARAX QOTI.

LASOCO QAYBAHA DANBE.

 

COMMENTS
LINKS