Maayarka Laascaanood Oo Ku Dhibco Tirsadey Waxqabadkii Maamulkiisa Sadex Sano Oo Uu Ugu Itaal Sheegtay Degmooyinka Ka Dhaqaalaha Baddan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Laascaanood Oo Ku Dhibco Tirsadey Waxqabadkii Maamulkiisa Sadex Sano Oo Uu Ugu Itaal Sheegtay Degmooyinka Ka Dhaqaalaha Baddan
January 5, 2020 - Written by Editor:

Laascaanood(W,N)-Maayarka Degmada Laascaanood ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka iyo Xoghayaha Ururka D/hoose ee Somaliland Cabdicasiis Waxa uu ka Waramey Waxyaabaha u qabsoomay mudada uu Xilka hayey, iyo Qorshayaasha Waxyaabaha adeegyada aasaasiga u ah Bulshada ee ay Damacsan yihiin inay Wax ka qabtaan Sanadka Cusub ee 2020ka.

Cabdicasiis Xuseen Taarwale Maayarka Degmada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool oo Warbaahinta uga Waxa uu iftiimiyay in ay dedaal dheeraad ah Guntiga u Xidheen intii itaalkooda ah Maadaama oo aaney la Dakhli aheyn Degmooyinka kale ee Dalka islamarkaana, aaney Qeyb ka aheyn Mashruuca GPLG Waxqabadka adeegyada Bulshada ee Degmooyinka Somaliland.

Maayarka oo ka Xogwaramey Waxyaabaha u qabsoomay mudadii Sadexda Sano aheyd ee uu hayay Xilka Maayarnimo ee Degmada Laascaanood Waxa uu ku Bilaabay hadalkiisa Sidan:-

“Mudadii aan Qabtey Xilka Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Maayarka Laascaanood, Waxa aan Markii u horeysay ee aan Xilka qabtey Waxaan dayactirey Guud ahaanba Xafiisyadda D/hoose ee Kala Duduwan, Waxaan qalabeeyay Xarunta iyo Xafiisyada Maamulka, Waxa aan D/hoose u iibiyay Gaadiid Tira badan oo Dadweynaha loogu adeegayo Sida Gaadiidka Khasinka ka Gura Gudaha Magaalada, iyo Gaadiidka yaryar Waxaan Maamulka D/hoose Kusoo Kordhiyay Shan Agaasime Waaxeed oo aan Shaqo abuur ugu Sameeyay Ardeydii Ka Baxey Jaamacadaha Laascaanood Agaasimayaashaasi Waxa ay kala yihiin.

1)-Agaasimaha Waaxda Qorsheynta D/hoose

2)-Agaasimaha Waaxda Tamarta D/hoose

3)-Agaasimaha Waaxda Dab-damiska

4)-Agaasimaha Waaxda Diiwaangalinta

5)-Agaasimaha Waaxda Hantidhawrka D/hoose.

Waxa kale oo aan Qeyb qaadaney Xoojinta Nabedgelyadda iyo La Shaqeynta Dhinaca Ciidamada Amaanka anakoo ka Gole Deegaan ahaan ka Dhisney Gudaha Magaalada Laba Saldhig oo Ciidamada Booliska aanu u Dhisney oo kala ah Saldhiga Booliska Faarax Xaskule, iyo Saldhiga Ciidakada Booliska ee Sayidka, ka Maamul ahaan Waxaanu Qalabaynay Shanta Saldhig ee Ciidamada Booliska Laascaanood,  iyo Taliska Qeybta ee Ciidamada Booliska” Ayuu yidhi Maayar Cabdicasiis.

Waxa kale oo uu Warbixintiisa Waxqabadkii Sadexda Sano ee uu Xilka Maamulka Golaha Deegaanka hayey, kaga Waramey Doorka ay ka Qaataan dhinaca Waxbarashada Degmada.

“Waxaanu Waxharashada Ka Taageernaa Ardeyda Danyarta ah ee Dhigta Jaamacadaha Laascaanood, Waxa kale oo aanu Ka D/hoose ahaan Dhinaca Dhaqaalaha Ka Tiirinaa Dugsiga Dhagoolayaasha iyo indhoolayaasha, anakoo dedaal dheeraad ah iyo juhdi galinay in aanu Degmada keeno Hay,ada Kuweytiga ah ee Dugsiga Agoomaha oo Noo Suurgashey”.

Maayarku isagoo ka hadlaya Dhinaca Caafimaadka Waxa uu yidhi.

“Ka Maamul ahaan Waxa aanu ka hawlgalney Mudo dheerna aanu Dabasoconey, Hay,ada MSF ee Dhinaca Caafimaadka oo aakhirkii naga Aqbashay Codsigii iyo Wadahadalkii aanu la galney, Waxa aanay ka Qaateen Gudaha Magaalada Laascaanood 120 Qof oo isugu jirra Dhakhaatiir, iyo Kalkaaliyayaal Caafimaad iyagoo Dhex Degay Gudaha Cusbitaalka Magaalada oo ay Wax badan ka Dabooleen Doorkii Caafimaadka Bulshada iyo Shaqada Cusbitaalkaba qeybihiisa kala Duwan, Ka Maamul ahaan Waxa aanu Cusbitaalka ka Dhisney Qolka Meydka iyadoo Shirkada Dahabshiilna Noogu Deeqday Talaagadii Kadib Markii aanu Maamulka Shirkada kala hadalney” Ayuu yidhi Maayarku.

Sidoo Kale Maayarku Waxa uu Sheegay in Ka Maamul Gole Deegaan ahaan Gacan ka Geysteen Taakulada Dhinaca Beeralayda Deegaanka.

“Waxa aanu ka Caawinay Beeralayda Degmada Laascaanood iyo Nawaaxigeeda u Qeybinta Siidhka Beeraha ee tayadda leh, iyo  Dayactirka iyo Siinta Mushiinada Beeraha Waraabiya anakoo Qeybo kamid ahna U Qodney Ceelasha Biyaha ilaa 38 ceel oo aanu ka siney Deegaanada ku hareeraysan Degmada Laascaanood intooda baddan ha ubadnaadeen Oodo-gooye, Waqadari, iyo Dalyare, Waxa kale oo aanu Ka Maamul ahaan.Daahfurney in Gobolka Guud ahaan loo Aqoonsado Beeraley Xoolo-dhaqato Maadaama Awal hore Loo Yaqaanay Xoolo -dhaqato kaliya” Ayuu yidhi Maayarka Laascaanood Cabdicasiis Taarwale.

“Dhinaca Xanaanada Xoolaha Waxaanu dhisney Xarunta Sheybaadhka Xoolaha oo aanu Dhismihiisa hadda gacanta ka qaadney, si Xoolaha Caafimaadkooda loogu baadho isla halkan, Waxaanu hirgalinay Saylada Iibka Geela oo aan hore ujirin, Waxa kale oo aanu hadda bilawney oo dhismihiisu Socdaa Dhismaha Gawraca(Kawaanka), Xoolaha oo aan hore ujirin” Ayuu yidhi Maayarku.

Isagoo hadalkiisa sii Watana Waxa uu yidhi.

“Waxa aanu Xooga Saarney, in aanu ka haqabtirno Gudaha Magaalada Laascaanood in Korontada ku Shaqeysa Cadceeda ee (Public Lightka), aanu si hagar La,aan ah uga haqabtirno Magaalada si ay Bilicda Magaalada iyo Amaanka Dadweynahaba u Haqabtirto, Waxa aanu gaadhsiinay Solarr Seysteamkaa Magaalooyinka Yagoori iyo Kalabeydh, Waxa kale oo aanu keenay Wiishka ka Shaqeeya Cilada ku timaada Korintadaasi oo D/hoose Maalgaliso isaga iyo Shaqaalaha ka hawlgalayaba”.

Lasoco Qeybta 2aad

COMMENTS
LINKS