Eheladda Dadkii Ay Xasuuqeen Ciidamadii Siyaad Barre Oo Dalbaday In Cadaaladda La Hor Keeno Kuwii Dhibaatadda U Gaystay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Eheladda Dadkii Ay Xasuuqeen Ciidamadii Siyaad Barre Oo Dalbaday In Cadaaladda La Hor Keeno Kuwii Dhibaatadda U Gaystay.
January 5, 2020 - Written by Editor:

Hargaysa (W,N): Xubno ka mida dadkii ehelkoodda xasuuqa iyo dilka ay u gaysteen ciidamadii dawladii Siyaad Barre ayaa ugu baaqay guddiga baadhista xasuuqa Somaliland in ay cadaaladda hor keenaan qaar ka mida saraakiishii dadkoodda laayay oo weli jooga Somaliland.

Sidoo kale waxay qoysaskaasi baaq u direen hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha xuquuda aadanaha u doodda, garsoorka Somaliland iyo ururrada ka shaqeeya tacadiyadda ka dhanka ah bini’aadanimadda in arrintoodda wax laga qabto.

Qoysaskani oo ka mida dadka degan magaaladda Hargaysa gaar ahaana xaafadda Sheedaha ee Woqooyiga Hargaysa, waxay dalbanayaan in cadaaladda la hor keeno kuwii xasuuqay dadkoodii, ehelkoodii iyo carruurtoodii.

Dadkaasi oo marar kala duwan warbaahinta madaxa banaan u gudbiyay cabashadda ay qabaan ee ah in qaar ka mid saraakiishii xiligii dawladii milateriga ahayd oo weli dalka Somaliland ku sugan in cadaaladda la hor keeno.

Raggaasi oo ay sheegeen in qaarkood ay imika ka tirsan yihiin ciidamadda Somaliland, isla markaana la ogaa dhibaatadii ay ehelkooda iyo qaraabadoodii u gaysteen sodon sanadood ka hor.

Waxaana dadkaasi ka mid ah Hibaaq Axmed Xuseen, oo sheegtay in ehelkeedu ay ka mid ahayd dadkii ay xasuuqeen ciidamadii Siyaad Barre, isla markaana raggii Ayaydeed iyo ehelkeedii xasuuqay ay imikana dhulkoodii ku haystaan.

Hibaaq Axmed Xuseen, oo warbaahinta la hadashay ayaa  ka dalbatay guddiga baadhista xasuuqa ee Somaliland iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah, iyo sidoo kale ururrada u doodda tacadiyadda ka dhan ah bini’aadamka in ay arrintoodda wax kala qabtaan.

Waxaanay tidhi, “Guddida baadhista xasuuqa Somaliland, waxaan ugu baaqayaa in ay baadhaan xasuuqii iyo tacadiyadii ay ciidankii Guul-wadeyaashu ka gaysteen xaafadda Sheedaha ee magaaladda Hargaysa.

Cid kastoo rabta dadkii goob jooga ahaa iyo sida xaqiiqadda ah, ee meesha wax uga dhaceen, waxaa diyaar ah oo xog buuxda ka siidaayay dadkii goob jooga u ahaa intooda nool. Intii dhimatayna dhamaantood ALLE SWT  ha u naxariisto”.

“Waxaana xogtooda haya eheladooda, oo aanu anagu ka mid nahay, oo Ayayday Cibaado Yuusuf Cilmi, ayaa ka mid ahayd dadkii ay ciidankii Guul-wadeyaashu dhibta gaadh siiyeen.

Run ahaantii anagu shaqsi ama cid gaar ah oo aanu si shaqsi ahaan u eryanaynaa ma jirto. Qofkii se isagu sidiisa Xabaallo xasuuqa u faqanayaa, isagay ayay jirtaa. Waxa uu ka faa’iidayo”ayay tidhi Hibaaq.

Marwo Hibaaq, ayaa si gaara farta ugu fiiqday cida u tuhmayaan in ay gacan ku lahayd xasuuqii dadkaasi ay Ayaydeedna ka midka ahayd, ee imikana ka tirsan ciidanka Somaliland.

Iyadoo arrimahaas ka hadlaysana waxay tidhi, “Ciidankii Guul-wadeyaasha la odhan jiray, waxaa ku jiray oo maanta jooga, oo ka tirsan ciidamadda qaranka Somaliland ee kala duwan.

Ragg sharaf leh, oo ka garaabaya berigaa iyo wixii goobtaa ka dhacay, oo run ahaan anaga iyo qosaskii kale ee dhibtu barigaa gaadhayna u garaabay, oo guri-guri u garanaya.

Markaa haddii ay ku dhibayso in sharaftaada, sharafta ehelkaaga, walaalkaa ama abtigaa. Aduu hasoo faqan Xabaalaha Malko Dur-durro, ee xaafadda Sheedaha ah”.

Sidoo kale Hibaaq Axmed, waxay tilmaantay in ka dalbanayaan hay’adaha xuquuda aadanaha iyo bahda garsoorka Somaliland xubnahaasi cadaaladda la mariyo.

“Qof xaqii uu lahaa ALLE SWT ku soo nabad celiyay, oo maanta Somaliland jooga, oo wixiisii labaatan reer, oo reer Somaliland ahi dhaxal u yihiin, ALLAA igu ogoo, in iyaga oo nool aanay cidi qaadan karin.

Haday boqol dhintaan ama la xidh-xidho. Inta goor goor tahay tasho, oo naftaadda, ehelkaaga, iyo sharaftaadda u tudho.

Waxaanan ogahay in qof kastoo goobtaa taga, oo soo eega, dadka degan, oo arkaa uu Candhuuftiisa dib u liqayo, haddii uu Damiir ku jiro”ayay tidhi Hibaaq Axmed.

 

COMMENTS
LINKS