Wax Ka Ogow Saldhigga Ciidamada Maraykanka Ee Weerarka Ay Ku qaaday Al-Shabaab. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wax Ka Ogow Saldhigga Ciidamada Maraykanka Ee Weerarka Ay Ku qaaday Al-Shabaab.
January 6, 2020 - Written by Editor:

KENYA(W,N)- Saldhigga shalay ay weerarka xooggan ku qaadeen Kooxda Alshabaab ayaa  lagu magacaabaa SIMBA Camp wuxuu dhacaa gacanka Maanda bay ee ku teedsan xeebta badweynta Hindiya ee gobolka Lamu oo ah gobol muslimiintu leeyihiin balse laga xoogay.

Saldhiggan waxaa markii ugu horraysay xadhigga laga jaray sanaddii 2004 xilligaas oo ay carcar qabtay xamlada saliibiga ah ee Mareykanku ku qaaday caalamka Islaamka.

Maamulkii G.W.Bush ayaa saldhiggan hirgeliyay waxaana kolokaas la sheegay in lagu tababarayo ciidamada badda Kenya balse markii dambe ayuu isku bedelay goob lagu diyaariyo ciidamo jinsiyo kala duwan leh kuwaas oo loo carbiyo ladagaallanka waxa loogu yeero argagxisada oo ah ladagaallanka muslimiinta.

Sanadadii dambe oo xamlada saliibiga ah kusii ballaaratay bariga afrika wuxuu saldhiggan ahaa goob lagu diyaariyo ciidamada cadowga ah ee duullaanka kusoo qaaday dalka Soomaaliya marka lagasoo tago in saldhigga Simba loo asteeyay tababarida ciidanka badda kenya hadane wuxuu yahay mid laga abaabulo weerarada lagusoo qaaday Soomaaliya.

Sida ku cad warbixinnada saldhiggan waa mid kuyaal jiidda hore ee dagaalka kenya ay uga jirto mandiqadda wuxuuna 100 KM oo qudha ujiraa xuduuda somalya ay a wadaagto Kenya taas oo ka dhigan in ciidamada Mareykanka ay kala socdaan dagaalka sida tooska ah ugu dhexeeya Alshabaab iyo Kenya.

Saldhiggan xoogaga XSHM weerareen wuxuu kaabiga ku hayaa degmada Mandda Bay oo kamid ah magaalooyinka ugu caansan gobolka Lamu islamarkaana ay utamashla tagi jireen dalxiisayaasha reergalbeedka.

Saldhiggan SIMBA ee camaliyaddan aadka uballaaran kala kulmay Al Shabaab waxaa laga maamulaa weerarada xagga cirka ah ee ka dhanka ah Jihaadiyiinta ka howlgala gudaha dalka Kenya iyo dhulka soomaalida NFD ee kenya gumeysato.

Waxaa ka haada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka loo yaqaan kuwaas oo kenya ka caawiya dagaalka ay kula jirto xoogagg ka jihaadka Lamu iyo NFD waxayna tani ka dhigantahay in cadowga saliibiga ah loogu galay halkii uu ku gambanayay.

buugaag dhowr ah ayaa saldhigga Manda baay laga qoray waxaana hamid ahaa dadkii saldhiggan kasoo shaqeeyay sanaddii 2005 guddoomiyihii hore ee gobolka Miisuuri ee dalka Mareykanka.

15-kii bishii Janaayo ee sanaddii lasoo dhaafay waxaa ka dhacday Xaflad ay kasoo qeyb galeen Janeraallo American ah waxanaa tababarro loogusoo xirayay ciidamo Kenyaan ah.

Saldhigga SIMBa wuxuu ka dhignaa saldhigyahada ugu waaweyn ee ciidanka mareykanka ay ku leeyihiin geeska afrika, hadalheynta saldhiggan warbaahinta kama jirin waxaana muuqatay in Al Shabaab ay si aad ah ula socdeen halistiisa ugu dambeynta shalay ayay calamaliyad kula jarmaadeen.

 

COMMENTS
LINKS