Daalaco Taariikh-Maraaxileedka Ay Soo Mareen Duulimaadyada Iyo Diyaaradaha Dunidu!W/Q;Fadxi Greenford. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daalaco Taariikh-Maraaxileedka Ay Soo Mareen Duulimaadyada Iyo Diyaaradaha Dunidu!W/Q;Fadxi Greenford.
January 8, 2020 - Written by Editor:

Aragtiyaha Qaar Ayay Taariikhyahanadu Ku Sheegaan Inay Soo Bilaabeen Aragtida Ku Duulista Hawada Sare, Khubaradii Reer Giriig Ee “Icarus” “Daedlus” Iyo Caalimkii Weynaa Ee “Archytas” 400-BC.

“Archytas” Ayaa Ahaa Xisaabyahan Faylasuuf Iyo Injineer, Waxaanu Sameeyey Aaladii Ugu Horeysay Ee Duusha Hawada Sare Iyadoo Aan Wade Lahayn, Aaladaas Oo 200-Mitir Hawada Sare U Duushay, Waxaanay Ku Shaqaynaysay Mishiin Yar Oo Lagu Magacaabi Jirey “Pigeon” Oo Uu Sameeyey Caalimku.

“Daeddlus” Oo Ahaa Caalim Giriiga Ayaa Ku Noolaa “Vimana” Oo Ah India, Waxa Uu Dhalay “Icurus” Oo ahaa Isna Saanic Reer Giriiga, Waxa Uu Sameeyey “Daedlus” Riishash Iyo Baalal Ka samaysan Waxyaalo Uu Isku Dhalaaliyey Oo Uu Isu Geeyey, Waxa Qalabkii Uu Sameeyey Xidhay Sanadkii 1637-dii Wiilkiisii “Icurus” Isagoo Aabihii Uga Digay Inuu Ku Duulo Waayo Maaha Wax Laysku Halayn Karayay Qalabkaasi Uu Sameeyey Oo Lagu Duuli Karyey Se Waa Ka Dhega Adaygay Wiilkiisu Arinkii Waxaanu Fuulay Buur-dheer Kaasoo Kasoo Booday Markii Uu Dhexda Marayey Ayaa Agabkii Mac-malka ahaa Qoraxdu Dhalaalisay Dabadeedna Ka Kala Tuurtay Waxaanu Kasoo Dhacay Buurtii Webi Weyn Oo Ku Yaalay Buurta Hoosteeda Ayuu Ku Haftay Halkaas Ayuu Ku Geeriyooday.

  • FG: Waa Aragtida Reer Galbeedku Qayb Kamid Ahi Ku Doodaan Inay Bilaabeen Culimadani Aragtida Ku Duulista Hawada Sare’ Iyagoo Ka Biyo Diidan in Muslimku Aragtidan Abuurkeeda Lahaa.

* Aragtida In Hawada Sare Lagu Duuli Karo Waxaa Hal-Abuuray Caalimkii Weynaa Ee Islaamka ahaa Ee “Cabaas Ibnu Firnaaz”, Sanadii 852-dii Ayuu Koray Minaaradii Masjidka “Qurdubi” Ee Dalka Isbayn Isagoo Sameeyey Baalal Uu Ku Duulo- Se Kuma Guulaysan Dhulka Ayaa Uu Kusoo Dhacay Dhaawac Fududina Wuu Kasoo Gaadhay.

Ugu Dambayn Hamigiisii Kama Raja Dhigin,Inuu Maalin Uun Duulo, Waxaa Isagoo 70-Jira, Uu Samayeeyey Qalab Kale Oo Uu Ku Duuli Karo, Wuxuu Fuulay Buur-dheer, Wuxuu Hawada Ku Duulay Mudo 10-Minute ah’ Kadib Dhulka Ayuu Ku Dhacay, Dhabarkana Dhaawac Weyn Ayaa Kasoo Gaadhay, Waa Aasaasihii Ugu Horeeyey Taariikhda Aadanaha Ee Bilaabay In Hawada Lagu Duulo.

  • FG: Aragtidani Waa Aragtida Badi Sida Saxda Ah’ Looga Midaysanyahay Lagana Ictiqaadsanyahay Dunida.

Kadib Aragtidii Cabaas Waxaa Sii Amba Qaaday Qarnigii 11aad, khabiirkii Reer Ingiriis “Eilmer” Kaas Oo Sameeyey Isku Day Inuu Duulo Isagoo Samaystay Baalal, Waxaanu Ku Xidhay Baalashaas Cududihiisa Iyo Lugihiisa, Waxaanu Koray Minaarada “Malmesbury Abbey” , Hawada Ayuu Ku Duulay Muddo 15-Il-bidhiqsi ah’ Ugu Dambayn Dhulka Ayaa Uu Kusoo Dhacay Waxaanu Ka Jabay Labada Lugood, Ugu Dambayn Wuxuu Noqday Curyaan.

Sanadkii 1502-dii Ayaa Waxaa Aragtiyhii Culimadaasi Daah-Fureen Sii Amba Qaaday Caalimkii Weynaa Ee Reer Talyaani Ee Naqshadeeye Sawir Gacmeedka Dunida Ugu Caansan Ee “Mona Lisa” “Leonardo Da Vinci” Waxaanu Soo Qaqabtay Shimbiro Badan Si’Uu U Tixraaco Naqshada Abuuritaan Ee Shimbiraha Nidaamkooda Duulitaan, Waxa Uu Ku Guulaystay Inuu Sameeyo Diyaarad U Samaysan Qaab Muuqaaleedka Shimbiraha, Waxaanu Isugu Xadhko Iyo Waxyaabo kale Oo Uu Farsameeyey, Waxaanu  Uu Waday Muddo Hase Yeeshee Uma Suuro Gelin Arinkaasi Walow Uu Sameeyey Qoloftii Ugu Horeysay Ee Diyaaradeed Ee Dunida La Nashaqadeeyo Maadama Oo Uu Ahaa  Naqshadeeyey “Farshaxamayste” Cajiiba.

Hadana Sanadkii 1799-kii Ayaa Waxaa Hawshii Culimadaas Ee Qori-Isu Dhiibka Ahayd Sii Amba Qaaday Caalimkii Weynaa Ee Reer Ingiriis “Georgy Cayley” Waxa Uu Ku Guulaystay Inuu Sameeyo Mishiin Awood U Leh Inuu Qolofkii Diyaarada Kor U Kiciyo, Walow Uu U Leexday Dhankaa Iyo Baabuur Samaynta Markii Dambe 1853-dii Ayuu Sameeyey Gaadhigii U Horeeyey Ee Dad Badan Oo Rakaaba Qaadi Kara.

Waxaa Isasoo Taray Samayntii Iyo Casriyayntii Wax Ka Bedelkii Diyaaradaha Ee Culimadii Dunida Ugu Waaweynaa Taariikhda Aadanaha Ee Dhanka Culuumta, Sanadkii 1856-dii Ayaa “Jean marie le bris” Waxa Uu Sameeyey Duulimaad Gaaban Ahna Isku Daygii Ugu Horeeyey Ee Dunida Duuli Kara Iyadoo Naqshadii Uu Wax Ka Badelay Oo Uu Woxoogaa Hawada Ku Duuliyey Se Weli Ma Noqon Ma Noqon Mid la Xakamayn Karo.

Kadib “Alexnader Mozhaisky” Ayaa Isna Sameeyey Naqshado Cusub, Sannadkii 1883, “John J. Montgomery” Oo Mareykana Ayaa Isna Sameeyey duulimaad Kale , Oo Ka Gedisan Nashqadihii Hore, Sidoo Kale Waxaa Duulimaadyada Wax-Ka Bedelkooda Ka Qayb Qaatay Oo Sameeyey Naqshado Cusub Oo Kala Duwan, Khubarada “Otto Lilienthal” , “Percy Pilcher”, iyo “Octave Chanute”

“Sir Hiram Maxim” wuxuu Sameeyey Qolof Weyn Oo culeyskeedu yahay “3.5 tan” Dhererkeeduna yahay (34 m), Oo Ku Shaqayna Mishiin (270KW) ah’ Way U suuro Geli Weyday Arinkaasi Inay Si Saxa U Duusho Faraha Ayaanu Ka Qaaday “Maxim” Samaynta Duulimaadkaas, Se Sanadkii 1894-tii Ayaa Dib Mishiinkiisii Looga Shaqaysiiyey, Se Hadana Riyadaasi Ma Suuro Gelin

Sanadkii1890-dii Ayaa Injineerkii Reer Ingiriis Ee “Lowrence Hargrave” Sameeyey Fadhiisin “Kursiga Lagu Fadhiisto” Oo Qaadkiisu Yahay Qaad Nin Awoodna U Leh Inay Xejiso Culayska Ninkaas Se Aan La Duuli Karin Oo Bilaa Baalal Ah, Waana Naqshada Laga Tixraacay Samaynta Kuraasta Diyaaradaha, Ninba Taagtii Ayuu Tabcayey Oo Samaynayey.

Intii U Dhaxaysya Sanadihii ,1867— 1896 Ayaa Isna Dhankiisa Waxaa Hawsha Ka Waday Injineerkii Reer Jarmal Ee Ahaa Ragii Duulimaadyada aadanaha Ugu Horeeyey Loona Yaqaanay “Flying Man” Ugu Dambayn Wuxuu sameeyay Sanadkii 1896-dii duulimaad aad U Cajiiba, Waana Shakhsigii Ugu Horeeyey Ee Si Saxa Hawada Ugu Duula Mudo.

Clement Ader’s Eole,Oo Ahaa Injineer Faransiisa Ayaa Isna Dhankiisa Dedaalka Sii Amba Qaaday, Waxaanu Sameeyey Duulimaad Sidii Hore Ka Casrisan, Oo U Sameeyey Baalal 14-M Dhererkoodu Gaadhayo, Taasoo Ka Casrisan Kuwii Hore Culimadu Usoo Sameeyeen.

“Samaynta Diyaaradii Ugu Horeyasay Ee Si Saxa Hawada Ugu Duusha”

Walaalaha “Wright Brothers” Ee ” Orville” Iyo “Wilbur” Waa Labo Walaalo Ah’ Oo U dhashay Dalka Maraykanka, Waana Labadii Shakhsi Ee Ugu Horeeyey Loona Diiwaan Galiyey Taariikhda Aadanaha Inay Sameeyeen Diyaaradii Ugu Horeysay Ee La Xakameeyo Isla Markaana Si Saxa Hawada Ugu Duusha Sanadkii 1903, iyagoo Sameeyey Mishiinkii Ugu Horeeyey Ee Xakameeya Diyaarada

17-Dec 1903-dii 10:30 Subaxnimo Ayay Xeebta North Carolina, Ku Duuliyeen Iyagoo Adeegsanaya Mishiinkii Ugu Horeeyey Ee Xakameeyey Qolofta Diyaarada, Mishiinkaasoo Lagu Magacaabo, “Wright Flayer III” Iyadoo Ay Aqoonsatay “Fédération Aéronautique Internationale” (FAI), Loona Diiwaan Geliyey Inay Ahayeen Ikhtiraacayaashii Duulimaadkii La Xakamayn Karayey.

Sidoo Kale “Alberto Santos-Dumont” Ayaa Sanadkii 1906-dii Isna Sii Amba Qaaday, Ilaa 1909-kii Ayaa Dedaalada Khubaradu Sii Wadeen, Waxaana La Sameeyey Mishiin Ka Casrisan Kii Wright Brothers Laguna Magacaabo “Bleriot VIII design” Waana Markii Ugu Horeysay Ee La Sameeyey Diyaarad Balaala Sida Saxda Ah Ugu Duulaysa,

Sanadkii 1919 Ayaa Waxaa Dhacay Duulimaadyadii Ugu Horreeyay Ee Ganacsi Isla Markaana Caalami ah, Waxaanay Isaga Kala Goosheen Dalalka Canada Iyo Maraykanka.

Diyaaradii Ugu Horeysay Ee Dagaal Iyadoo Tijaaba ah’ Waxaa La Soo Saaray, Sanadkii 1939-kii Waxaana, Lagu Magacaabi Jirey, “Heinkel He 178” Waxaana Sameeyey Jarmalka.

Se Diyaaradii Ugu Horeysay Ee Dagaal Ee Si Saxa Loo Duuliyo Kana Qayb-Qaadatay Dagaal Waxay Sameeyeen Jarmalku 1943-dii Waxaana Lagu Magacaabi Jirey “Messerschmitt Me 262″ Waxaanay Ka Hawl Gashay Meesha Lagu Magacaabo ” Luftwaffe” Ee Ku Taal Jarmalka. Sanadii 1947-dii Ayaa Lasoo Saaray Diyaaradii Ugu Horeysay Ee Xaawareheedu Dhaafay Xawaaraha Dhawaqa Taasoo Lagu Magacaabi Jirey “Bell X-1”.

Ugu Dambayn Diyaaradii Ugu Horeysay Ee Xamuula Isla Markaana Qaadi Karta Rakaab Waxaa La Soo Saaray 1952-dii Waxaana Lagu Magacaabi Jirey “Havilland Comet” .

Hadana 1958- dii Ayaa La Sameeyey Diyaaradii Ugu Cajiibsanayd Ee Rakaabka Dunida Aad U Raacaan Dadkuna Isku Halayn Karaan Una Kala Gooshta Wadamada Dunida, Ganacsi Ahaana Guuleysata Waana “Boeing 707” In Ka Badan 50-Sanadood Ayay Dunida Ka Shaqaynaysay1958-2010-Kii,

Sidoo Kale Sanadkii 1970-Kii Ayaa La Sameeyey “Boeing 747” Oo Ah Naqshad Cusub Oo Ahayd Diyaaradii Ugu Weynayd Dunida Ee Rakaab Tiro Badan Qaada, Ugu Dambayn Waxaa La Sameeyey 2005-tii “Airbus A380” Oo Ka Qaad Weyn Kuwii Hore Kana Casrisan.

Waxaa Qoray- Fadxi Greenford.

COMMENTS
LINKS