“Kol Haddaynaan Ka Xishoonayn Xataa Buqcad Yar Oo Caruurtu Wax Ku Baranayso,Dawladiina Iyaduba Boobka Kow Ka Tahay”Abwaan Weedhsame. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Kol Haddaynaan Ka Xishoonayn Xataa Buqcad Yar Oo Caruurtu Wax Ku Baranayso,Dawladiina Iyaduba Boobka Kow Ka Tahay”Abwaan Weedhsame.
January 12, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Abwaan Xasan Daahir Ismaacil (Weedhsame) oo kamid hal abuurka reer Somaliland iyo bahda macalimiinta dalka ayaa ka hadlay dhisme laga hirgaliyay dayr iskuulka sheikh bashiir oo markii hore loo haysay in masaajid lagu kordhinayo balse hada laga dhigay meherado ganacsi.

Abwaan Weedhsame ayaa ku tilmaamay arintan wax laga xumaado isagoo sheegay in aanay xataa jirin cid goobaha caruurto wax ku baranayso in aan laga xishoonay dawlad danta guud ilaalisaana aanay jirin

Isagoo abwaanku qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa sidan;

“Masaajidkan markii laga dhisayey dugsiga dhexdiisa, ayaan maalin aan ag marayey is weydiiyey: salaaddu miyaanay ku baxayn masaajidkan Ibraahim Dheere ama masaajidkan sheekh Dirir ee mid waliba 500 ee tallaabo u jiro meeshan dhismuhu ka socdo? Maxaa looga baahan yahay masaajid kale iyadoo aan ka weyn ee Ibraahim dheere dhisayba aanu buuxsamin?

Haddaad ka hadasho waa lagu wanjali baan is idhi oo nin beyd Alle dhismihiisa diidan baa lagaa dhigi!!!! Waanay dhici lahayd oo waan hubaa!!!!

Haddaba, Masaajidkii imika meheradan ayuu dhalay iyaduna mid kale ayey sii dhali doontaa ilaa laga dhammaynayo dhulka Dugsiga oo dhan.

Waxse iga su’aala, kol haddaynaan ka xishoonayn xataa buqcad yar oo caruurtu wax ku baranayso oo aan boobayno, Dawalad danta guud ilaalinaysaana jirin ee iyaduba boobka kow ka tahay, kuwii diinta sheeganayeyna qaarkood diinta laftigeedii booliga ku bannaysanayaan, xagga aynu ku soconaa waa xaggee?

COMMENTS
LINKS