Dawlada Ingiriiska Oo Si kulul Uga Hadashay Xadhiga Safiirka U Fadhiya Dalka Iiran. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Ingiriiska Oo Si kulul Uga Hadashay Xadhiga Safiirka U Fadhiya Dalka Iiran.
January 12, 2020 - Written by Editor:

Tehran, (W,N) – Safiirka UK u fadhiyey Iran ayaa la xidhay intii uu socday dibadbax ka dhacay caasimada Iran ee Tehran oo lagaga soo horjeeday ku lug-lahaanshihii Iran ay si khalad ah ugu soo riday diyaaradii rakaabka siday.

Rob Macaire ayaa la xidhay mudo ka badan saacad sida ay ku waramayaan warbaahinta maxaliga ah ee dalkaasi.

Xafiiska Arimaha dibada ee dalka Ingiriiska ayaa ku tilmaamay xadhigaasi “Xad-gudub cad oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah”.

Iran ayaa cadaysay maanta inay ku lug-leedahay toogashadii lagu soo riday duulimaadka diyaaradii Ukraine International Airlines flight PS752, arintaasina u dhacday khalad bani’aadan.

Wargeyska ka soo baxa Iran ee Etemad ayaa sawirka Safiirka ku baahiyey Twitterka kadib markii Wakaalada Wararka ee Tasnim ay tabisay warka xadhiga Safiirka Ingiriiska intii uu socday dibadbaxa ka dhacayey banaanka Jaamacada.

Waxaanay warbaahinta Iran ay sheegtay in Mr Macaire lagu eedaynayo inuu buunbuuniyey dibadbaxa ka dhanka ah dawladda.

War-saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Arimaha Dibada ee Ingiriska Dominic Raab ayaa yidhi: “Qabashada Safiirkayaga ee Magaalada Tehran iyada oo aan wax sabab ah ama sharraxaad laga bixinaynin waxay tahay xadgudub weyn oo sharciga caalamiga ah ka dhan ah.”

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

 

COMMENTS
LINKS