WAJAALE NEWS

Kulankii Madaxwaynaha Iyo Xisbiyada Mucaaridka Oo Lagu Kala Kacay.

HARGAYSA(W,N)-Kulan ay maanta Qasriga madaxtooyada jsl ku yeesheen Madaxwayne biixi iyo hogaamiyayaasha xisbiyada mucaarid  kaasi oo mudo soo socday lagana dhursugayay in ay xal kama danbaysa kasoo saaraan kala dirista komishanka lagu muransanaa ayaa natiijo la.aan kusoo dhamaaday.

Wararka aanu ka helayno kulankan ayaa sheegay in madaxwayne biixi uu gudoomiyayaasha xisbiyada ucid iyo wadani ku wargaliyay in aanu awood u lahayn kala dirista komishanka taasi oo sobobtay in lagu kala kaco kulankii

Dhanka kale gudoomiyayaash xisbiyada wadani iyo ucid ayaa shir jaraa,id ku qabtay xafiiska xisbiga ucid kaasi oo ay ku shaaciyeen mawqifka ay ka taagan yihiin waxa ay kala kulmeen madaxwayne biixi

Somaliland ayaa mar sedexaad galayso muran siyaasadeed oo la xidhiidha arimaha doorashooyinka iyo komishanka laysku khilaafsan yahay iyadoo la jabiyay qodobadii ay soo saareen gudidii isxilqaatay oo xalka kusoo dabaashay murankii cakirnaa ee xukuumada iyo asxaabta mucaaridka

Kala soco wararkeena danbe wixii faah faahin iyo hadalada labada dhinac

WAJAALENEWS DESK

 

 

Exit mobile version