Badhasaabo Iyo Wasiiro Booqday Dekeda Berbera Oo Dareen Celiyay Waxyaabaha Ay Kusoo Arkeen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Badhasaabo Iyo Wasiiro Booqday Dekeda Berbera Oo Dareen Celiyay Waxyaabaha Ay Kusoo Arkeen!
January 13, 2020 - Written by Editor:

Berbera(W,N)-Badhasaabada Magaalooyinka waaweyn ee Dalka iyo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo u weheliyo Agaasimaha Guud ee Mashruuca Shaqo-qaran, ayaa saaka Kormeer shaqo ku tagay Dekeda Caalamiga ah ee Berbera, waxana halkaa ku qaabilay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, oo kuwasoo wareejiyey Qaybaha Dekedu ka kooban tahay iyo sidoo kale dhismaha Dekeda Cusub ee 400, ah.

Ugu horayn Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciiid Xasan, waxa uu xubnaha Waftiga Warbixin ka siiyey Halka uu Maraayo Mashruuca Dhismaha Dekeda Cusub, isagoo Arrimaha ka Hadlaya waxa uu yidhi, “Mar labaad Waxanu Ku sugan-nahay dhismaha Dekedii cusbayd ee 400, ahayd, oo sida aad Indhihiina ku Aragtaan ay ka socoto shaqo Xawliyi, wanan idin mahadnaqayaa Madaxdiinan qaranka ee u hoggaaminaayo Wasiirku iyo dhamaan Gudoomiyaasha Gobolada dalka, booqashadanina waa mid Taarikhiya,waxanaad noogu timaadeen si aad Indhihiina ugu aragtaan shaqada culus ee ka socota Dekedda Berbera  ee Cusub, anagana sharafbay noo tahay. Sidaad Indhihiina ku aragtaan qaybtaasi waa qaybtii Dhismaha Dekeda Cusub, Wiishkaas weyn ee dubbaha ahbaa ku garacaya Dubbaha Birahaa Bayliska ah, 33 Meter weeye midkiba, 23 minter Cidda la hoos-marinaya, dekedanina waa 400 oo Terminal ah, waxana loogu talo-galay si ay u yimmaadan Maraakiibta waaweyn ee Mother Shipka loo yaqaano. waxana qorshuhuu yahay Maraakiibta waaweyn ee isagga gooshta dunida inay Koontinarada kula kala wareegan, ay toos ugu soo xidhan, Waayo Dekedda cusub hoos waxa loo qoodaya 18mt oo ah mid ka caalamiga ah ee Dekedaaha waaweyn hoos loo qodo, waana Deked uu kusoo xidhan Karo Markab kastoo weyni, imika waxa noo yimmaada Maraakiibta dhexe oo kasoo kala qaada Cuman, Dubai iyo Waddamo kaloo Badan, lakiin Insha alla dhowaan waxa dekedeenan kusoo xidhan doonaa Maraakiibta waaweyn oo dhan, si Markabka kasoo dhaqaaqa China uu halkan usoo maro, isla markaana u kala bedeshaan rarka, waa Guul weyn oo usoo hoyatay Qaranka Somaliland, waxanan Ilahay ka baryayaa inuu innagu simmo, waana dhaxal ubadkeenu u aayi doono. Shaqaalaha Dekeda Cusub ka hawlgalaa waa 700, oo qof intaa u Badani waa Somalilander, halkaa intaa kalena tahay mid Farsamo yaqaano loo baahday, waxana ku xigi doonaa markay dekedani dhamaato 400 oo kale, waxanan idin Sheegayaa in Koontiirada hada ay Dekedu rogtaa ay yihiin 150000, markaa ay dhamaato dekedani waxay noqon doonaan 450000, oo Koontiinar”. ayuu yidhi Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi.

Sidoo kale waxa iyagguna halkaa hadalada isagga daba-maray xubnaha Badhasaabada Dalka, waxana halkaa ka Hadlay badhasaabka Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, kaasoo sheegay inay Diyaariyeen dhulkii laga dhisi lahaa Dekedii qalalalayd, waxanu yidhi” Maanta Waa Maalin weyn oo Ilahaybaa Mahad leh, isaggu keen keenay Balaadhinta Dekedii Caalamiga ahayd ee Berbera, wanan u mahad celinayaa Maareeyaha Dekedaha Somaliland iyo badhasaabka Saaxil, Wasiirka gaashaandhiga iyo agaasimaha shaqo qaran, waxan filaya, Dekeduhuu way fidayaan, Laascaanood meesha la yidhaahdo Gambadho waxa laga dhisi doonaa Deked qalaalan oo aanu Diyaarinay dhulkeedii, Waxana Somaliland ku yaala Dekedo loo dhan yahay”. ayuu yidhi Badhasaab Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.

waxa kaloo isla halkaa ka hadlay Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed (Indho-balac), waxanu yidhi, “Waanku faraxsanay inaan soo booqanay Mashruucii dhismaha Dekeda Cusub ee Berbera, waanu mahadsan tahay Maareeyaha Dekedaha Somaliland, oo runtii nasoo tusay Mashruucan balaadhan waanan boggaadinayaa horumarka baaxada leh ee ay ku talaabsatay Dekedu, Dekedaha Somaliland way Badan yihiin, waxanan uga faaidaysan doonaa hadaanu nahay Gobolka Gabilay, khaasatan Dekedii qalalayd ee Wajaale, oo aanu Dp World iyo Maareeyaha ku wareejinay Dhul Free-zone ah”. ayuu yidhi Badhasaab Indhobalac.

Sidoo waxa isagguna halkaa ka hadlay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Md. Jaamac Xaaji Axmed, waxanu Mucaaridka ugu baaqay inay Indhahoodu qabtaanWaxqabadka baaxada leh ee dalka ka socda, waxanu yidhi, “Waxan u Mahad-naqayaa Maareeyaha Dekedaha iyo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil, waxanu Halkan u nimid Barnaamijka shaqo qaran, Runtii Asxaabteena Mucaaridku waxay sheegaan waxaan waxbaa ka jirin oo waxay meherad ka dhigtaan waxa dalka ka socdaa inaan waxba ka jirin, oo waxay u turjumaan si khaldan, hada Waxanu dhex taaganahay Dekedii weynayd ee Berbera oo hada 400 ee u horreeyey hawsheedii gabogabo ku dhowdahay, waxana la odhan karaa, waa taarikh Dahabiya, waxanan arkaynaa inuu Maanta kusoo xidhay Markabkii Ugu Weynaa, waxana Dhiirigeliyey Qalabka Cusub ee Dekeda la keenay, Waxanan leeyahay bulshada Somaliland leeyahay shaqada halkaan ka socotaa waa mid anfacaysaa aayaha umadeena soo koraysaa, iyo kuwaa dhalan-doonaa. Waxanan ku faraxsanay mudane Maareeye iyo gudoomiye horumarka lexaadka leh ee ka socota Saaxil, goboladii aanu ka nimidnaa waanu uga waramaynaa, oo meel fogbaanu gaadhsiin doonaa Warkaa Berbera”.

waxa kaloo isagguna halkaa ka hadlay badhasaabka Gobolka Saaxil Eng. Axmed Cismaan Xasan, waxanu yidhi, “Waxqabadka Gobolka Saaxil waxa uu ku yimi wadashaqayn, waanan idinku soo dhoweynaynaa, bulshadii aad ka timaadeen ku war celiya”.

waxa kaloo, isna halkaa ka hadlay Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md. Cabdiqani Caateeye oo sheegay inuu markhaati ka yahay Waxqabadka aan lasoo k oobi Karin ee ka socda Dekeda Berbera, waxanu yidhi, “Hummaag Maha Horumarka ay ku talaabsatay Dekedu, dhismihii Dekeda waad aragtaan shaqaalihii sida u lebisan yihiin waad aragtaan, wanan ku bogaadinaya Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo dhan Siciid iyo Dp World”.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS