Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga Jsl Iyo Wafti Ka Socday Haayada UNHCR Oo Booqasho Ku Tagay Magaalada Berbera. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga Jsl Iyo Wafti Ka Socday Haayada UNHCR Oo Booqasho Ku Tagay Magaalada Berbera.
January 13, 2020 - Written by Editor:

BERBERA(W,N)-Gudoomiyaha haay’ada Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Oo hogaaminaya Wafti balaadhan oo Ay Ka Mid Yihiin Wakiilka  Haayada UNHCR iyo masuuliyiin ka socda DRC iyo NRC ayaa maanta Safar sShaqo ku tagay Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil Ee berbera.

Safarkan oo gudoomiyaha ku wehelinayey madaxa hay’ada UNHCR ee Soomaliland iyo soomaaliya u fadhiya kenya ayaa ujeedadiisu ahayd kormeer Iyo  indho idhayn ah kaasi  oo ay kusoo mareen goobo ay ka mid yihii dhismayaal cusub oo loo samaynayo barakacayaasha iyo dadka danyarta ah ee gobolka saaxil iyo xarunta Qoxoontiga Ka yimaada dalka Yemen ee gobolka iyo dekeda magaalada berbera.

gudoomiyaha haayada qoxoontiga iyo barakacaaysha qaranka Cabdikariim Maxamed Axmed (Xinif) ayaa ka sheegay in wakiilka haayada UNHCR ee somaliland iyo somaliya uu dalka u yimid inuu xogagaal u noqdo hawlaha ay haayadu ka wado qoxoontiga ku sugan Somaliland waxaanu maamulka gobolka saaxil ku aamanay shaqada ay qaranka u hayaan.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS