Warka Kasoo Baxey Madaxwayne Biixi Iyo Wixii Laga filayey Oo U Muuqada In Boqor Buurmadow Noqday Afhayeenka Xukuumada!Faallo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warka Kasoo Baxey Madaxwayne Biixi Iyo Wixii Laga filayey Oo U Muuqada In Boqor Buurmadow Noqday Afhayeenka Xukuumada!Faallo.
January 13, 2020 - Written by Editor:

 “Mar Haddii Madaxweyne Biixi Indhaha Ka Qarsadey Go,aankii Ergadda Ee La Filayay In Lagu Soo Afjaro Khilaafka Doorashooyinka Somaliland!

Hargeysa(WJN)-Kadib Markii. ay ku adkaatey Islamarkaana, jiq ku Noqotey Madaxweynaha iyo Xisbigiisa Kulmiye Murankii Arimaha Doorashooyinka ee ka dhashey Qaabkii, loo soo dhisey Komishanka Doorashooyinka iyo sidii ay isku Doorteen, Waxaa dhaqdhaqaaqyo Ergayn iyo odayeyn ah ku dhex galey Waxgaradka, Culimada, Ganacsatada iyo haldoorka Somaliland, taas oo isla qaatey qodobaddii iyo Go,aanadii Ergadu kasoo Saartey kulanadii Dhexdhexaadinta.

Waxaana la isla qaatey, oo Kulanada labadda dhinac ee Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xisbigiisa iyo hogaanka Xisbiyadu isla Waafaqeen in lasoo afjarro Muranka khilaafka Siyaasadeed ee arinta Komishanka islamarkaana, Xubnihii hore ee Komishanka Doorashooyinka lagu badelo qoladan Dambe kuwaa hore oo ay Xisbiyada Mucaaridku hore u diidanaayeen Gaar ahaana Xisbiga Waddani laakiin ay Aqbaleen Xisbiyada Mucaaridka ahi Go,aanka ergada Xisbiga Kulmiyena dhinaciisa Aqbaley isagoo Wasiirka Arimaha Guduhu u hadley.

Haseyeeshee, rajadaa iyo Khilaafkaa lasoo afjarey ayaa Shacabka Somaliland iyo Ergadii Guud ahaanba Waala soo wada dhaweeyay iyadoo rajo badan laga fishey lagagana doogsadey Madax xanuunkii ka dhashey mudo kordhintii Golaha wakiilada iyo Guurtida balse Waxa ay dadku ayaamo kadib la fajaceen hadaladii Boqor Buurmadaw oo u Muuqdey in ay Laalayaan amar adagna dul dhigayay, Go,aanadii la isla Qaatey ee Ergadu kusoo gunaanadey Khilaafkii Komishanka,

Waxaana maalmihii u Dambeeyay la Sugayay in uu Meel maro Go,aankii la isla qaatey hadalka Buurmadawna noqdo Biyo Col-dhaanshey Waxaase xaqiiqdu kusoo ururtey in Wixii Shacabku u Dhegtaagayay noqdey Biyo Col-dhaanshey Boqor Buurmadaw hadalkiisuna Noqdey mid Xaqiiqda ku fadhiya, oo ka turjumaya in uu Yahey Wasiirkii Warfaafinta Xukuukamada Madaxweyne Biixi,

Isweydiintuse Waxa ay noqoneysaa Miyaan hadda laga dhursugi Doonin Qoddobkii u Dambeeyay ee uu Kusoo gabogabaynayey Nidaamkii Dimuqraadiyada iyo Doorashooyinka Somaliland madaxwayne Biixi horeyso iyo Dambeyso iyadoo wali aanay  Soo Marin Somaliland Xukuumadd la Meeraysata arimaha maxsuulkeeda ah.

WAJAANEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJAALE STAFF.

COMMENTS
LINKS