Madaxweyne Biixi Oo La Sheegay In Culays Lagu Saarey Kala Dirista Komishanka Iyo Xubno Iskood Isku Casilay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi Oo La Sheegay In Culays Lagu Saarey Kala Dirista Komishanka Iyo Xubno Iskood Isku Casilay!
January 14, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(WJN)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa, la Sheegay in Culays badan lagu Saarey sidii loo soo Afjari Lahaa khilaafka Muranka dhaliyay ee Arimaha Doorashada la  Xidhiidha, Kadib Markii Talooyin badan loo jeediyay tan iyo intii Ka Dambaysay Hadal Shaley Xisbiga Kulmiye kasoo Saarey Wada Xaajoodkii Arinta Komishanka Cusub ee Doorashada.

Warar Xogogaal ah oo Shabakada Wararka Wajaalenews ka heshay, dad ka ag dhaw Qasriga Madaxtooyadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegaya in Ergooyin fara badan oo isugu jirra Waayeel Waxgarad Culimo, ganacsato, iyo Dad fara badan oo kamid ah haldoorka iyo Aqoonyahanka Somaliland in ay talo guud ugu soo jeediyeen in Madaxweyne ahaan uu qaato oo Xil iska saaro sidii uu Wakhti xaadirkan uu soo afjari lahaa Xudunta khilaafka Doorashada Somaliland oo Komishanka Hadda dhawaan is doortey ugu horeeyo, Waxaanay Wararkaasi Tibaaxeen in uu Caweysinkii Caawa Aqbaley talooyinkaasi Islamarkaana, uu Go,aan ku qaatey in aanu Aqbalaadan ka Baxeynin ama aanu balanfur ku Sameyneynin Haseyeeshee, uu Xubnaha Komishanka ukala diri doono Qaab aan aheyn kala Diris Guud inkastoo Sharciga iyo Dastuurka Somaliland awood Usiiyay in Madaxweynuhu kala diri karro Xubnaha Komishanka Waxaana ka muuqda Talaabada la sheegay in uu qaab Siyaasadeed u kala dirayo mid uu ku qalbi ilaalninayo, beesha uu kasoo jeedo Gudoomiyaha Komishanka ee Wakhtigan Cabdirashiid Riyo-raac oo Komishan ahaantiisa muran badan iyo hadal badani ka Yimid.

Geesta kale Waxa ay Wararkani Sheegayaan in ay Marka hore Iscasilayaan Xubno kamid ah Xubnaha Konishankan ee Ka Kooban lixda Xubnood Xubnahaas oo lagu Sheegay in ay Yihiin Gabadha katirsan Komishanka Kaltuun Sheekh Xasan iyo laba Xubnood oo kale oo Madaxweynaha ka Aqbaley Iscasilaada lagu kala dirayo Komishankan Muranka Siyaasadeed ka abuurey Somaliland iyo Doorashooyinkii la filayay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Tan iyo Intii Uu talada Somaliland Qabtey oo laba Sano iyo Dheeraad ah Waxa uu marar badan iska badelay Ama uu Beeniyay heshiisyo uu la Galey Xisbiyada Mucaaridka ah oo ku Wajahan Arimaha Doorshooyinka Iyadoo Aaney, Dad badan oo taageerayaashiisa ahi ka filaynin Talaabadii Mudo kordhinta ee Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada loo kordhiyay mudada labada sano iyadoo, Talaabadan uu hada Komishanka ku kala dirayaana ay lamid noqon doonto wadadii uu u Marey Arintii Korneyl Caare ee uu Markii hore ka Diidey Ergooyinkii ka Codsadey Cafiska haseyeeshee, uu Markii Dambe wadada kale u Marey.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJAALE STAFF.

COMMENTS
LINKS