Somaliland Oo Markii ugu Horeysay Laga Furay Shirkad Daawooyinka Ka Keenaysa Dalka Ingiriiska. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Oo Markii ugu Horeysay Laga Furay Shirkad Daawooyinka Ka Keenaysa Dalka Ingiriiska.
January 15, 2020 - Written by Editor:

Hargeisa(W.N):-Waxaa Magaalada hargeisa laga daahfuray Shirkada West London oo Daawooyin Tayadoodu aad u sarayso dalka keenaysa, Shirkadan Oo Ay leeyihiin Muwaadiniin reer Somaliland ah, Waxaa Ka warbixiyey maamulaha guud ee Shirkada West London Shirkadooda iyo Wakhtiga ay ka shaqeynayeen Gudaha Dalka Ingiriiska halkaas oo ay ku taalo Xarunta ugu weyn ee Shirkadan Daawooyinka West london.


Maxamed C.wahaab Yuusuf Oo ah maamulka Guud ee Shirkada ayaa Ka waramay in Muddo 15 sanadood ah ay ka shaqeynayeen Daawooyinka gudaha dalka ingiriiska, iyagoo xidhiidh iyo macaamil la lahaa dadka reer somaliland ee ku nool dalka ingiriiska oo daawooyin usoo diri jiray dadkooda xanuunsanaya ee ku nool gudaha dalka somaliland, waxaanu sheegay maamulaha shirkada west london in dadkii ay dhibaato ku ahaan jirtay inay dadkooda dawooyin xagaa uga soo diraan dalka looga furay.

Masuuliyiinta Shirkadan Daawooyinka ee West London Ayaa Sheegay In Dhamaan Daawooyinka ay Bulshada u keenayaan yihiin kuwo Kasoo baxay Dalka Ingiriiska Tayo ahaana ugu wanaagsan daawooyinka dunida.


Agaasimaha Guud ee Shirkada West London marwo Hodan Ismaaciil Muuse ayaa ka warentay Daawooyinka aan tayada wanaagsan lahayn ee laga keeno dalal Asia iyo dhibaatooyinka ay bulshada ku keenaan isticmaalkoodu.
Dhanka kale Madax iyo marti sharaf kale oo kasoo Qayb galay Furitaanka Shirkadan west London oo aad loogu riyaaqay ayaa Ku bogaadiyey inay ka fikireen muwaadiniintani inay shacabka u keenaan daawooyink tayadoodu aad u sareyso oo kalsooni buuxda lagu qabi karo.


Sida La ogyahay Shacabka Somaliland Ayaa Dhibaato weyn ku qabay daawooyinka aan tayada wanaagsan lahayn ee inta badan bulshada dhaxalsiiya xanuunada kuwaas oo aan inta badan la ogeyn wadamada iyo Shirkada Soosaaray tayada Daawooyinkaasi.
Waxaaan Furitaanka Shirkadan laga leeyahay Dalka Ingiriiska ee Somaliland xarunta ku yeelanaysaa noqonaysaa mid jaanis wanaagsan u noqonaysa shacabka somaliland oo ay ku helikaraan daawooyin tayo fiican leh.

Waxaana Xarunta Shirkadan West London Laga Furay Badhtamaha Suuqa Hargeisa gaar ahaan Suuqa Daawooyinka lagu iibiyo ee Ilma Faarax Joome agagaarkiisa.

 

Halkan Hoose Ka Daawo Furitaanka Shirkadan West London.

COMMENTS
LINKS