Maamulka Degmada Wajaale Oo Ganacsade U Fasaxay In Uu Dhisto ALbaabka Laga Galo Dugsiga Hoose Dhexe Ee Muj Mahdi Cali! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Degmada Wajaale Oo Ganacsade U Fasaxay In Uu Dhisto ALbaabka Laga Galo Dugsiga Hoose Dhexe Ee Muj Mahdi Cali!
January 15, 2020 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)- Muddo labaatan sanno ah Waxay Magaalada Wajaale Noqotay xudunta ganacsiga ee isku xidha dalalka Somaliland Iyo Itoobiya,waa magaalo kulmisay guud ahaan bulshada ku dhaqan dalalka geeska Afrika, waa magaalo halbawle u ah dhaqaalaha labada dal,iyadoo ay maanta magaalada Wajaale dhex yaallaan hanti aad u badan oo Balaayiin Doollar gaadhaysa oo ganacsatada Somaliland badankeeda leeyihiin.Nasiib darrose,magaalada Wajaale waxay gabi ahaanba ka arradan tahay adeegyada ay fuliyaan dhigeeda dawladdaha hoose ee dalka Somaliland oo ay ka dakhli badan tahay,waxaanu maamulkii magaalada wajaale gacanta u galay Rag ay ka maqan tahay ogaanshaha xilka culus ee loo igmaday,halka Wasaaradda arrimaha gudaha ee soo magacawday ay gabi ahaanba ka gaabisay in ay u foojignaato lana socoto Maamulka xakamaha goostay ee magaalada Wajaale.

Warrarka soo gaadhaya shabakadda Wajaalenews.net ayaa sheegaya heerka uu gaadhsiisan yahay boobka iyo ku tagri falka dhulka danta guud ee maamulka dagmada Wajaale u soo tafo xaytay,iyadoo bulshada ku dhaqan magaalada wajaale ku eedaynaysa in toddobaadyadii ugu dambeeyay maamulka dagmada Wajaale ay ganacsato ka iibiyeen dhul ku yaala biyo mareenka togga,oo hadii roobab wayni da’o halis galin doono hantidooda iyo naftoodaba,halka maalintii Sabtidii maamulka Dagmada Wajaale u fasaxeen ganacsade lagu magacaabo Cismaan Ibraahin Bade ( Cismaan Xiirane ),in uu dhisto Albaabka laga galo dugsiga hoose dhexe ee muj Mahdi Cali oo ay hore uga joojiyeen.

Inkastoo maamulka magaalada Wajaale ay hore uga joojiyeen uguna diideen ganacsadahan in uu dhisto,waxaa wax lala yaabo ah in ay bil ka dib u oggolaadaan In uu dhisto isla dhulkii ay hore uga joojiyeen wacadna hore ugu mareen in ayna marnaba u oggolaan doonin in uu dhisto Albaabka ay ardaydu ka galaan Dugsiga hoose dhexe ee Muj Mahdi Cali Ee Magaalada Tog wajaale .

Dhanka kale,warrarka shabakadda Wajaalenews.net ka soo gaadhaya magaalada Wajaale ayaa sheegaya in maamulka dagmada Wajaale ay ka qaateen lacag aad u badan oo ay kaga iibiyeen Albaabka laga galo dugsiga hoose dhexe ee Muj Mahdi Cali.Dugsigan oo ah ka ugu ardayda badan dhammaan dugsiyada hoos taga maamulka dagmada Wajaale.

Dadka ku dhaqan magaalada Wajaale ayaa isha si gaara ugu haya tallaabada Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ka qaadi doono maamulka xakamaha goostay ee caadaystay boobka iyo ku takri falka dhulka danta guud ee magaalada Wajaale .

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS