WAJAALE NEWS

Safiirka Maraykanka Oo Shalay Hargeysa Yimid Iyo Safiirka Ingiriiska Oo Isna Maanta Yimid& falanqaynta Socdaalka Diblomaasiyiintan.

Hargeysa(W,N)-Safiirka Maraykanka danjire Donald Yamamoto iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay socdaal ku yimid magaalada Hargeysa, waxaana la filayaa inuu maanta Madaxweyne Biixi la yeesho kulan.

Donald Yamamoto ayaa inkastoo aan socdaalkiisa war rasmi ah laga soo saarin, haddana waxa la sheegay in socdaalkiisu la xidhiidho arrimaha doorashooyinka Somaliland oo ay caqabado soo waajaheen iyo dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Geesta kale safiirka Ingiriiska danjire Ben Fender iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa isna maanta socdaal ku imanaya magaalada Hargeysa, waxaanay wararku sheegayaan in safiirku u socdo arrimaha doorashooyinka Somaliland, waxaanu kulan la yeelan doonaa Madaxweyne Biixi.

Exit mobile version