Xukuumada Somaliland Oo Joojisay Bandhig Suugaaneed Abwaan Weedhsame Caawa Ku Qabanayay Magaalaa Berbera. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Joojisay Bandhig Suugaaneed Abwaan Weedhsame Caawa Ku Qabanayay Magaalaa Berbera.
January 16, 2020 - Written by Editor:

BERBERA(W,N)-Maamulka Gobolka Saaxil Ayaa Amar Ciidan Caawa Ku Hor Istaagay Bandhig Sugaaneed Uu Magaalada berbera ku qabanayay Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen ururka qalin layda gobolka saaxil.

Maamulka gobolka saaxil ayaa wax faah faahin ka bixinin sobobta ay ujoojiyeen bandhigan iyo waxa keenaytoona

Wararka laga helayo magaalo madaxda gobolka saaxil ayaa sheegay in bulshada reer berbera oo usoo diyaar garoobay ka qaybgalka munaasibadani ay ku war heleen uun ciidamo la wareegay goobta lagu qabanayay oo ahayd huteelka Dioman

Xogaha laga helayo joojinta bandhiga abwaan Weedhsame ayaa sheegay in amarka lagu joojiyay uu ka yimid dhinaca madaxtoooyada looga arimiyo dalka taasi oo xoguhu ay tibaaxeen in xukuumadu sas ka qaaday bandhigan oo ay ka cabsi qabeen in uu abwaanku kusoo bandhigo suugaan ka hadlaysa xaalada dalka iyo dhaliilaha baahsan ee bulshada ku saluugsan tahay hogaaminta xukuumada Madaxwayne Biixi.

Abwaan weedhsame ayaa mudooyinkii udanbeeyay waxay xukuumadu dhibsanaysay qoraal koo kooban oo uu ku baahinayay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada kagana hadlayay muranada siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Dhanka kale Abwaan Weedhsame ayaa tiraba dhowr Jeer soo bandhigay suugaan u ku dhaliilayay xukuumadii Axmed siilaanyo ee isla xisbiga kulmiye ka dhalatay

Tan iyo intii Uu Madaxwayne muuse biixi qabtay talada somalland ayaa waxaa dalka kusoo banayay Talaabooyinka ay ku cabudhinayso xoriyatul hadalka iyo afkaarta ay bulshadu ku baahiso warbaahinta taasi oo loo xidh xidhay dad badan halka qaarkood laa saaray maxkamad xukuna lagu riday.

Sikastaba ha ahaatee waxaa laga war sugi doonaa jawaabta ay xukuumadu ka bixiso sobobta ay uhor istaagtay bandhig suugaaneedkan iyo waxyaabaha ay ku diidan tahay qabashada fagaarayaasha ay haldoorka bulshadu kusoo bandhigaan aragtidooda.

WAJAALENEWS DESK

BERBERA SOMALILAND

COMMENTS
LINKS