Dawladda Jabouti Oo Ka Hadashay Go,aanka Kasoo Baxay DacwadiiU Dhaxaysay Shirkada DP WORLD . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Jabouti Oo Ka Hadashay Go,aanka Kasoo Baxay DacwadiiU Dhaxaysay Shirkada DP WORLD .
January 16, 2020 - Written by Editor:

JABUTI(W,N)- Dawlada jabuuti ayaa jawaab ka bixisay xukun kasoo baxay dacwadii udhaxaysay shirkada DP WORLD Ee ay ka riday gacan ku haynta dekeda Daaroole ee dalka jabuuti

Mareeyaha dekeda jabuuti abuubakar xasan xadi ayaa sheegay in aanu khusaynin go,aanka kasoo baxay maxkmada ku taala dalka ingiriiska

Sidoo kale mareeyaha dekedaha jabuuti ayaa sheegay in aanay dacwadi ka dhaxaynin shirkada DP WORLD Balse ay si khaldan u isticimaashay magac ay ku bahoobeen jabuuti iyo shirkada DP WORLD

Dhanka kale dawlada jabuuti ayaa cadaysay in ay magdhow diyaar utahay balse aanay marnaba aqbalaynin xukunkaasi oo markale gacanta ugaliyay shirkada DP WORLD  dekeda daaroole..

HALKAN KA DAAWO  MUUQAALA WARKAN;

COMMENTS
LINKS