Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Sarkaal Ciidanka Asluubta Ka Tirsanaa Oo Galabta Hargaysa Ku Geeriyooday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Sarkaal Ciidanka Asluubta Ka Tirsanaa Oo Galabta Hargaysa Ku Geeriyooday.
January 18, 2020 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE:  18/01/2020

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Asluubta Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee hoggaankii xidhiidhka hay’addaha ee ciidanka asluubta Jamhuuriyadda Somaliland, gashaanle sare Marxuum  Maxamed Maxamuud Cabdilaahi oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 18/01/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey sarkaal waayo arag ah oo wakhtigiisa uga faa’iideeyey dalkiisa iyo dadkiisa, xilal kala duwana ka soo qabtay ciidanka.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Asluubta Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
LINKS