Halkee Ayuu Ku Danbeeyay Dhismihii Gaandi Laybareeri, Maxaase Hortaagan? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkee Ayuu Ku Danbeeyay Dhismihii Gaandi Laybareeri, Maxaase Hortaagan?
January 19, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Xukuumadii Uu Hogaaminayay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa cid gaara siisay dhismihii Gaandi public Laybareeri Kaasi Oo Muran ka Dhashay Kadib Isla Xukuumadii Axmed siilaanyo,  dhul kale siisay in gala dhiso Dhismaha Gaadi Laybareeri, Kaasi oo Loo Asteeyay Dugsiga Badhtamaha hargaysa ee Sheekh Bashiir Qayb Kamid ah Dayrkiisa in laga hirgaliyo,

Goobta loo asteeyay dhismaha Laybareeriga gaadi ayaa mudo Haatan laga jooga Sedex sano Aan wax dhismaha laga hirgalinin Goobtii loo asteeyay taasi oo Dareeno kala duwan ku Abuurtay Bulshada sobobta loo hirgalin waayay dhismaha gaadi laybareeri oo door muhiim ah ugu jiray bulshada ku dhaqan Caasimada gaar Ahaan Ardayda Waxka Barata Dugsiyada sare iyo Jaamacadaha Dalka oo aan lahayn goob laybareeri ah oo ay waxku akhristaan kana helaan bugaag kala duwan.

Macada sobobta Maamulka Gaadi Laybareeri ay Uhirgalin waayeen dhismihiisa oo shacabka reer somaliland iyo Xubno Ganacsato ahi ay dadaalo badan ugaleen sidii uu uheli lahaa goob kale oo laga dhiso laybareeriga .

Dhanka kale wararka laga helayo  goobta loo asteeyay Gaandi Laybareeri oo aanay wali wax talaabo ah ka qaadan mulkiilayaasha Laybareerigu Ayaa wakhtigan la hadal hayaan in wasaarada hawlaha guud doonayso in dhulkii loo qoondeeyay Dhismaha Gaandi laybareeri In cid kale la siinayo wallow aan sicad loo ogayn sobabta xiligan wasaaradu udoonayso in ay cid kale ku wareejiso maadaama aanay wax talaabo ah ka qaadin maamulka laybareeigii gaandi,

Dhulka loo asteeyay gaandi laybeeri ayaa ah goob aad umuhiim ah oo wakhtigan  Agagaarkiisa laga hirgaliyay dhismayaal Ganacsi loogu talo galay oo ku yaala dayrka dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Bashiir.

Maamulka gaandi laybareeri ayaa iyagu umuuqda kuwo dayacay fursadii lagu hirgalin lahaa dhisme uu yeesho laybareerigu taasi oo badalkeeda wakhtiga xaadirkan laga cabsi qabo in xukuumadu cid kale ku wareejisay,

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

 

 

 

COMMENTS
LINKS