WAJAALE NEWS

Waa Maxay Dimuqaradiyadu?W/Q; Muhumed Dhimbiil.

Dimuqaradiyada Hadii aynu Qeexno Ereygani waxa uu ka soo jeedaa laba erey oo loo isku daray oo giriig ah ( Demos Kratos ) oo ah Demos = Dadka iyo Kratos = Maamulka ama Xukunka ah.

Dimuqaradiyadu waa hab ka mid ah qaababka dawladuhu isku maamulaan waxaana qaabkan lagu doortay ee aad loogu jecel yahay dadka ayaa dooranaya sida loo maamulayo iyo cida hogaanka u qabanaysaba.

Faa,iidooyinka , muhiimada iyo Meelaha ay ku wanaagsan tahay habkan dimuqaradiyadu waxa ay yihiin ;

1- Xuquuqaha aasaasiga ee qofka oo la ilaaliyey.

2- Fursadaha koboca dawladnimo iyo dadba oo ay ku wanaagsan tahay.

3- Go’aanka waxa loo gaadhaa wada jir.

4- Fursadaha qofku awooda dawladnimo si qaldan u isticmaali karo way yar yihiin qaabkan.

5- Xuquuqo isku mid ah ayey dhamaan dadku leeyihiin.

6- Awoodaha is sharaxida ama isa soo saarida qof ahaan ayey leedahay.

7- Koriinka dhaqaalaha

8- Kobcinta ama soo saarida cunto iyo yaranta macaluusha.

9- Yaraynta isku hor imaadyada iyo rabshadaha

10- Kala sooc-naanta awoodaha dawlada

11- Daah-furnaanta qaabka maamul iyo dariiqa la marayo.

12- U wadaagida fursadaha iyo khayraadka si siman Iyo qaybo kale oo badan.

Dimuqaradiyada waxa lagu qeexaa qaab maamul oo ay dadku go’aansanayaan rabitaankooda.

Abraham Lincoln waxa uu ku qeexay dimuqaradiyada Dawladii dadka , iyagu lahaayeen , iyaga ka timi.

Khasaaraha iyo dhibaatooyinka ay leedahay dimuqaradiyadu;

Dadka dhaliila qaabkan maamul oo uu ugu weynaa philosopherkii weynaa ee Socrates ayaa waxa ay u cuskadeen qodob aad u muhiim ah oo ay ku diidan yihiin qaabkan maamul oo ah ;

* Hadii awoodii dadka gacanta loo soo galiyey , dadka intooda ugu badani maaha dad u bisil in ay qiimeyn karaan waxa ay dooranayaan iyo sida ay u kala xulanayaan , markaa waxa haboon bay leeyihiin in aan awooda shacabka gacanta loo gelin ee inta Garashada wanaagsani u taliso.

Waxa kale oo isaguna jira qodob muhiim ah oo hadii ay dadku rabitaankooda ku socdaan waxaa meesha ka baxaya diimihii iyo waxyaabihii dadku aaminsanaayeen oo waxa ay keenaysaa dadnimo xumo.

Isku soo wada xoori oo nidaamkani inta dunida maanta laga isticmaalo waa ka ugu wanaagsan isaga oo dalwaliba ku dabaqa dhaqankiisa iyo diintiisa , maadaama aanay ahayn buugaag qoran iyo wax isku mid ah loogu wada dhaqmi karo , haseyeeshee waxa aan la isku diidanayn tiirarka ay leedahay ee keenaya horumarku in ay yihiin qaar lawada ilaaliyo .

Haddaba qaabkani waxa uu u baahan yahay si uu u noqdo hab maamul oo midho dhala isla markaana hormarkeena in garaadka , aqoonta iyo xilkasnimada dadka wax dooranaya la bisleeyo oo uu qofku garanayo waxa uu dooranayaa waxa uu yahay.

Qaabka noocan ah ee la isku maamulo waxa qaatay dalka Jamhuriyada Somaliland , iyada oo ay waxba kama jiraan noqonayaan waxii diinta islaamka ka soo horjeedaa sida ku cad dastuurka Jamhuriyada Somaliland Qod 5aad faq 2aad oo si cad u qeexaya in xeerarka dalka laga qaadanayo shareecada islaamka.

Waxa hadaba isweydiin leh nidaamkani somalidu waxa ay isku soo maamushay 1960ii ilaa 1969kii , oo ciidamadu inqilaabeen , laakiin waxaa la isla qirsan yahay in uu yahay nidaam hor u markiisu soo raago laakiin lahayn burbur sida marka loo eego nidaamyada kalitaliska ah iyo boqortooyooyinka markaa sida loogu shaqeyn lahaa in fahmi lahaa habka noocan ah.

Qaybaha ugu wanaagsan ee uu dad ahaan dal ahaan Somaliland wax ka tarayaa waa xadidaada xili doorasheedyada , kala xadaynta awoodaha dawlada , xuquuqda iyo xoriyaadka muwaadiniinta oo ah in la dhowro iyo taladu tahay wax la wada leeyahay oo la isku ixtiraamo qayb walba awoodeeda iyo kaalinta ay ku yeelanayso maamulka dalka.

QALINKII; Muhamed Dhimbiil.

Exit mobile version