Wasiirka Warfaafinta Jsl Oo Kulan Layeeshay Saraakiil ka Tirsan Haayada UNSOM Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Warfaafinta Jsl Oo Kulan Layeeshay Saraakiil ka Tirsan Haayada UNSOM Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen!
January 20, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Md./ Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Madaxa Waaxda Xuquuqul Insaanka ee Hay’adda UNSOM Mss Saaya Mawaaalla iyo sarkaal kale oo ka tirsan Hay’adaas.

Kulanka waxa Wasiirka ku wehelinaysay madaxa Cilmi baadhista  ee waaxda qorshaynta, ahna ku simaha agaasimaha qorshaynta marwo Raxma C/laahi Maygaag, waxana lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta iyo Hay’adda UNSOM iyo ilaalinta xorriyadda Saxaafadda Somaliland.

Ugu danbayn masuuliyiintan ka socotay Hay’adda UNSOM ayaa Wasiirka uga mahad celiyay soo dhawaynta, sidoo kalena  ku bogaadiyay dardar-gelinta dhammaystirka xeerka Saxaafadda Somaliland.

COMMENTS
LINKS