Sheekh Ibraahim Sh Madar Gudoomiyanimadiisii Golaha Guurtidda Wuxuu Ku Badbaadiyay Somaliland, Saleebaana Inan Uu Adeer Uyahey Ayuu Dalka U Burburinayaa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sheekh Ibraahim Sh Madar Gudoomiyanimadiisii Golaha Guurtidda Wuxuu Ku Badbaadiyay Somaliland, Saleebaana Inan Uu Adeer Uyahey Ayuu Dalka U Burburinayaa!
January 20, 2020 - Written by Editor:

Waxaynu Wada xasuusanahay Hadaladii Xaaji Cabdi Xuseen Allaahu Yarxame Kayidhi Markii Saleebaan soo Galey Golaha Guurtida oo ahaa Saleebaan halbaa seegtay, Dawlladana halbaa Seegtay,  Guurtidana halbaa Seegtay, Anigana Waxba ima seegin,  Waxa uu yidhi Saleebaan halbaa seegtayoo Waxa seegay Mar hadduu ahaa nin Siyaasi ah ma ahayn in uu Golihiisii Siyaadadda Soo dhaafo oo Soo doonto Golaha odoyaasha Xukuumadana halbaa seegtayoo Nin Siyaasi ah oo ay hadhaw eedi doonto, ayey Dhex keentay Golihii odoyaasha ee Musadambeedka Somaliland ahaa, Guurtidana halbaa seegtayoo Waxa ay doorteen Nimaan Oday Khaas ah ahayn oo Siyaasiya, Anna Waxba ima seeginoo Waan iska Aqbalay.

Haddaba Marka ay sidaa tahey, Waxa aynu Wadda ognahay in Saleebaan Marar Baden Golihii Guurtida Awoodiisa u Isticmaalay Siyaasad Guracan ooka  Xaaraan ah Guurtida Hadaynu Ka Nimaadno Tii Gar-Adag Waxaynu Wada ogayn in Gudoomiyihii uu Kursigiisa Dhaxley, ee Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar illaahay naxatiistii jano ha geeyee Iyadoo la isku haysto Sideetan Cod ayuu diiday in uu inaadeerkii Axmed Siilaanyo Reernimo iyo Qabyaalad ku Raaco, oo ka Raacay Maslaxadii Somaliland iyo tii Guurtinimo  oo Daahir Rayaale ogolaaday in uu Dalka Madaxweyne kasii ahaado.

Taas oo ay Marwalba kujirtey Dalka iyo Dadka dantiisa isagoo odaynimadiisii iyo Kaalinti Guurtinimo ka Faaidaynaya halka Maanta Saleebaan oo Golihii Guurtida Dalka Gudoomiye U ahi uu Dalkii iyo Dadkii Somaliland U Burburinayo una jidhayo inan uu Adeer U Yahey Riyo-raac oo uu khasab kaga dhigay Gudoomiyihii u Xaqsoori lahaa Doorashada Somaliland ee Komishanka isagoo shuruud uga dhigay geesta kale in Muddo Kordhin loogu Sameeyo isaga iyo Golaha Wakiilada oo halkaana Xaaraan iyo Musuqmaasuq ku Samaystay.

Waxaynaan halmaami Karin Maahmaahdii Allaahu Yarxame Xaaji Cabdi Waraabe kusoo Afgooyay hadalkii uu ka yidhi Markii laga dhigay Gudoomiyaha Guurtida ee ahaa ‘Ninkii Arooskiisii laga Shaqeynayay ee Habeenkii la  Hoyn lahaa inankii Aroosadii Casar dheer kufsadey, kadibna inanti Markii ay Qeyliday Islaantii Hooyadeed aheyd Sabarad Ninkii la Duljoogsatey, Kadibn odaygii Sodoga ahaa yidhi Inanka Halbaa seegtay Waxaa Seegay in uu iska sugo Saacadaha ka hadhey Arooskisa Inantana halbaa seegtay, oo Waxaa Seegtay markey U garatay in Ninka Kubsadey Ninkeddii Yahey in ay Iska aamusto Islaantana halbaa Seegtay oo Waxes seegay in ay Hubsato Ninka inanteeda kubsadey Anigana Waxba ima seeginoo Waan hubsadey.

Saleebaan Gaal Gudoomiyaha Guurtida Waxaan leeyahay Dalka intaad Guurtida hogaamiye u noqotay Siyaasad Guracan mooyee Marna last isticmaalin Doorkii Kursigaasi Lahaa Cimri taggey Ceeb Laguma Sagootiyee Maalin Walba dalka haku Burburin inan aad Adeer U Taheya ka tali Arin aad ku badbaadiso dalka iyo Dadka oo aad ku dhexdhexaadiso Xisbiyadda iyo Xisbiyadda iyo Muranka dalka ka Taagan Maalin Walba Yaanay ku Maslixin Ina Biixi iyo Ina Kaahin.

QALINKII;-Najiib Ismaaciil Maxamed

Gabiley  Somaliland

0634466339

COMMENTS
LINKS